HomeWararAkhriso:-Madaxweynaha Falastiin oo u hanjabay Isra’iil

Akhriso:-Madaxweynaha Falastiin oo u hanjabay Isra’iil

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa ku hanjabay inuu ka baxayo heshiisyadii ay la galeen Isra’iil, haddii uu Benyamiin Netanyahu uu oofiyo balanqaadkiisii ahaa inuu qabsanayo dooxada Jordan iyo Waqooyiga Badda loo yaqaano (Baxrul meyd). War qoraal ah oo ay baahisay  Wakaaladda wararka ee Falastiin, ayaa lagu yiri: Cabaas wuxuu sheegay in heshiisyadii lala galay Israa’iil […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa ku hanjabay inuu ka baxayo heshiisyadii ay la galeen Isra’iil, haddii uu Benyamiin Netanyahu uu oofiyo balanqaadkiisii ahaa inuu qabsanayo dooxada Jordan iyo Waqooyiga Badda loo yaqaano (Baxrul meyd).

War qoraal ah oo ay baahisay  Wakaaladda wararka ee Falastiin, ayaa lagu yiri: Cabaas wuxuu sheegay in heshiisyadii lala galay Israa’iil ay dhici doonaan haddii ay Isra’iil ku soo xad gudubto qeyba horleh oo dhulka Falastiin ka mid ah.

- Advertisement -

Maxamuud Cabaas ayaa sidokale sheegay in go’aamada Netanyahu ay ka hor imaanayaan go’aamadii lawada galay iyo sharciyada caalamka.

Netanyahu “ma doonayo xalkasta oo nabadda lagu xoojinayo mana aqoonsano in go’aamada Dowladda Falastiin ay wax tar yahiin, wuxuna diidayaa heshiiskii hore ee la wada galay ” ayuu yiri Maxamuud Cabaas.

Xoghayaha guud ee guddiga fulinta Ururka Xoreynta Falastiin Saa’ib Cureyqaad , ayaa sheegay in aan loo dulqaadan Karin hanjabaada Yahuuda ee ku aadan qabsashada dooxada Jordan iyo waqooyiga Baxrul meyd, talaabadana ay tahay dambi dagaal iyo meelka dhac loo geysatay karaamada Dadka reer Falastiin.

- Advertisement -

Mas’uul kale tirsan Ururka Xoreynta Falastiin ee PLO  oo lagu magacaabo Xanaan Ashraawi ayaa ku tilmaamay hadalka Netanyahu inuu yahay xadgudub dhuleed iyo  mid qowmiyadeed oo meesha ka saraya fursadaha nabadda ee horay loo galay.

Ugu danbeeyntii Ururka Xamaas ayaa si wada jir ah uga soo horjeestay hadalka hanjabaada ah eek a soo yeeray Benyamiin Netanyahu ee ku aadan inuu qabsashada dooxada Jordan iyo waqooyiga Baxrul meyd.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts