HomeWararRa’iisul Wasaare Kheyre oo ku wajahan Magaalada Baydhabo

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ku wajahan Magaalada Baydhabo

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Xeeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa Maanta ku wajahan Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Qaban-qaabada soo dhaweynta Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa siweyn looga dareemayaa Magaalada Baydhabo,waxaana lagu wadaa in halkaas uu gaaro saacadaha soo socda. Boqolaal shacab ah […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Xeeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa Maanta ku wajahan Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaban-qaabada soo dhaweynta Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa siweyn looga dareemayaa Magaalada Baydhabo,waxaana lagu wadaa in halkaas uu gaaro saacadaha soo socda.

- Advertisement -

Boqolaal shacab ah ayaa kusii qul-qulaya Garoonka diyaaradaha Baydhabo,kuwaasi oo doonaya inay ka qeyb qaatan soo dhaweynta Xasan Cali Kheyre,waxaana gudaha Magaalada lagu xardhay Sawirada Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay inay u diyaar garooweyn socdaalka Ra’iisul Wasaare Kheyre uu ku tegayo Magaalada Baydhabo iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Baay.

Ammaanka guud ee Magaalada Baydhabo ayaa Maanya siweyn loo adkeeyay,waxaana heegan buuxa la geliyay Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed,kuwaasi oo si wadajir ah isaga kaashanaya amniga Magaalada.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories