HomeWararQarax Khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Kismaayo

Qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Kismaayo

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Wararka laga helayo duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Qarax halkaas lagula eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland. Qaraxaas ayaa waxaa uu ahaa miino nooca dhulka aaso ah,isla markaana waxaa Ciidanka ka tirsanaa Jubbaland lala eegtay xili ay ku sugnaayeen Bar Koontarool oo ku taalla deegaanka Qaam […]

- Advertisement -

Wararka laga helayo duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Qarax halkaas lagula eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland.

Qaraxaas ayaa waxaa uu ahaa miino nooca dhulka aaso ah,isla markaana waxaa Ciidanka ka tirsanaa Jubbaland lala eegtay xili ay ku sugnaayeen Bar Koontarool oo ku taalla deegaanka Qaam qaamka oo ku dhow Magaalada Kismaayo.

- Advertisement -

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay qaraxaas,waxaana ku geeriyootay Saddex Askari oo ku sugnaa goobta uu falka ka dhacay.

Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada qaraxii ka dhacay deegaanka Qaam qaamka oo ku dhow Magaalada Kismaayo,kadib markii War qoraal ah ay kusoo qoreen barahooda ay ku leeyihiin Internet-ka.

Inta badan Al-shabaab ayaa qaraxyo iyo weerar kala duwan waxaa xiliyada qaar la eegtaan fariisimaha ay leeyihiin Ciidanka dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada ee ku yaalla deegaano ka tirsan Gobolada dalka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories