HomeWararGuddiga KMG ee diyaarinta sharciga doorashooyinka oo la kulmay axsaabta siyaasadda ee...

Guddiga KMG ee diyaarinta sharciga doorashooyinka oo la kulmay axsaabta siyaasadda ee dalka

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka ayaa maanta waxa ay Hotelka SYL kula shireen axsaabta siyaasadda ee ka jira dalka. Kulanka uu guddiga la yeeshay axsaabta siyaasadda ee ka jira waxaa shir gudoominaayay guddomiyaha guddiga KMG ah ee Diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji. Ujeedka […]

- Advertisement -

Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka ayaa maanta waxa ay Hotelka SYL kula shireen axsaabta siyaasadda ee ka jira dalka.

Kulanka uu guddiga la yeeshay axsaabta siyaasadda ee ka jira waxaa shir gudoominaayay guddomiyaha guddiga KMG ah ee Diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji.

- Advertisement -

Ujeedka kulanka ayaa ahaa siddii uu guddiga u dhagaysan lahaa waxyaabaha ay ka qabaan Axsaabta siyaasadda dalka shariciga doorashooyinka qaranka ee uu xilligaan ka gacanka ku haayo diyaarintiisa Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka.

Qaar ka mid ah madaxdii ka socotay Axsaabta siyaasadda ee ka jira dalka ayaa guddiga kaga mahad celiyay sida ay uga talo galiyeen diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee haatan horyaalo Golaha shacabka.

Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay kulamo la yeelanaayay qeebaha kala duwan ee bulshada si ay uga dhageeystaan aragtiyadooda ku aadan sharciga doorashooyinka Qaranka.

- Advertisement -

Ugu dambeyntii guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka iyo axsaabta siyaasadda ee ka jira dalka ayaa ku balamay in ay yeeshaan kulan kale oo ay aragtiyadooda ku aadan sharciga doorashooyinka qaranka uga wada hadlayaan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories