HomeWararWadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho oo saakay xiran

Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho oo saakay xiran

Date:

Related stories

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somalis Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaliya ayaa saakay xiray qaar kamid ah Wadooyinka ku yaalla Magaalada Muqdisho,iygaoona u diidaya inay isticmaalaan gaadiidka noocyadiisa kala duwan. Ciidamada ayaa lagu arkayaa Wadooyinka iyaga oo taagan,isla markaana wadada ka celinaya gaadiidka BL-ka ay saaran yihiin dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay,waxaana loo ogal yahay oo kaliya inay maraan […]

- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaliya ayaa saakay xiray qaar kamid ah Wadooyinka ku yaalla Magaalada Muqdisho,iygaoona u diidaya inay isticmaalaan gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Ciidamada ayaa lagu arkayaa Wadooyinka iyaga oo taagan,isla markaana wadada ka celinaya gaadiidka BL-ka ay saaran yihiin dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay,waxaana loo ogal yahay oo kaliya inay maraan gaadiidka ay saaran yihiin Mas’uuliyiinta dowladda iyo kuwa Askarta.

- Advertisement -

Wadooyina la xiray ayaa waxaa kamid ah Wadada maka Al-mukarama,Wadnaha oo ka xiran Isgoysyada Hawlwadaag,Tarabuuka iyo kuwa kale oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Dadka Shacabka ah ayaa Maanta goobahooda Shaqada iyo goobahooda Waxbarashada ay lug ku tegayaan.

Sababta loo xiray Wadooyinka Caasimadda ayaa waxa ay tahay xili Maanta Mgaalada Muqdisho laga keenayo Allaha u naxariistee Meydka Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Doha ee Caasimadda dalka Qatar,kadib dhaawacii kasoo gaaray Qarixii dhawaan  Xarunta Gobolka Banaadir ka dhacay.

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories