HomeWararQM iyo Midowga oo sheegay in aysan weeraradda sii kordhaya wax u...

QM iyo Midowga oo sheegay in aysan weeraradda sii kordhaya wax u dhimi doonin Deganaanshaha Somalia

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Wakiiladda Khaaska ee QM iyo Midowga Afrika u jooga Somalia, James Swan iyo Francisco Madeira waxay ka tacsideeyeen geeridii Guddoomiyihii Gobalka Banaadir, ahaana Duqa Muqdisho, Marxum C/raxmaan Cumar Cusmaan “Yariisow” oo Khamiistii la soo dhafaay u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray qarixii bishii hore ee July 24-dii lala beegsaday Aqalka Dowladda Hoose ee Muqdisho. James […]

- Advertisement -

Wakiiladda Khaaska ee QM iyo Midowga Afrika u jooga Somalia, James Swan iyo Francisco Madeira waxay ka tacsideeyeen geeridii Guddoomiyihii Gobalka Banaadir, ahaana Duqa Muqdisho, Marxum C/raxmaan Cumar Cusmaan “Yariisow” oo Khamiistii la soo dhafaay u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray qarixii bishii hore ee July 24-dii lala beegsaday Aqalka Dowladda Hoose ee Muqdisho.

James Swan iyo Francisco Madeira  waxay sheegeen in weeraradda sii kordhaya aysan wax u dhimi doonin dadaalka Deganaanshaha Somalia, waxayna ku baaqeen in la soo qabto kuwii ka dambeeyey geerida Guddoomiyihii Maamulka Banaadir.

- Advertisement -

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, James Swan waxa uu sheegay in la sii wado hawshii Marxuum Yariisow, isla markaana kuwii ka dambeeyey la hor geeyo Caddaaladda.

Dhinaca kale, Qoraal uu soo saaray Ergayga Khaaska ee Midwoga Afrika ee Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Francisco Madeira waxa uu ku sheegay inay DFS iyo saaxiibadda kale kala shaqeyn doonaan sidii Dowladda Somalia looga taageeri lahaa sidii lagu soo celin lahaa Deganaanshaha iyo Nabadda Somalia.

 

- Advertisement -

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories