HomeCaalamkaWaqooyiga Kuurya oo mar kale tijaabisay Gantaalo Cusub

Waqooyiga Kuurya oo mar kale tijaabisay Gantaalo Cusub

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Milliteriga dalkaasi waxay Aroornimadii hore ee saakayto oo Arbaco ah tijaabiyeen 2 Gantaal cusub ee nooca ridada gaaban, waana tijaabadii 2-aad ee ay sameeyaan wax ka yar hal isbuuc. Gantaalladda ay saakayto tijaabiyeen ayaa la sheegay inuu gaari karo masaafo dhan 250 KM, waxayna ku dhaceen Badda Bariga ee loo yaqaano Badda Japan. Saraakiisha Milliteriga […]

- Advertisement -

Milliteriga dalkaasi waxay Aroornimadii hore ee saakayto oo Arbaco ah tijaabiyeen 2 Gantaal cusub ee nooca ridada gaaban, waana tijaabadii 2-aad ee ay sameeyaan wax ka yar hal isbuuc.

Gantaalladda ay saakayto tijaabiyeen ayaa la sheegay inuu gaari karo masaafo dhan 250 KM, waxayna ku dhaceen Badda Bariga ee loo yaqaano Badda Japan.

- Advertisement -

Saraakiisha Milliteriga ee dalka kale ee Koonfurta Kuurya ayaa sheegay inay Labada Gantaal u muuqdeen kuwo ka duwan noocyadii Gantaalladda ee ay Milliteriga Waqooyiga Kuurya tijaabiyeen Khamiistii la soo dhaafay.

Ra’isul-wasaaraha Japan, Shinzo Abe waxa uu tilmaamay inaysan Gantaaladaasi wax khatar ah ku ahayn Ammaanka dalkiisa, balse, Wasiirkiisa Difaaca ayaa sheegay in Gantaal kasta oo ay Waqooyiga Kuurya tijaabiyaan uu xadgudub ku yahay Go’aanadii ka soo baxay QM.

Afhayeenka Milliteriga Maraykanka ku sugan dalka Koonfurta Kuurya, Kolonel Lii Peters waxa uu isagana sheegay inay ka war hayaan Tijaabadda Gantaallada Waqooyiga Kuurya, isla markaana ay si dhow ula socon doonaan xaalladdaasi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories