HomeCaalamkaSacuudiga oo Boqolaal Malaayiin oo Dollar siiyey Suudaan

Sacuudiga oo Boqolaal Malaayiin oo Dollar siiyey Suudaan

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Dowladda Sacuudiga waxay ku dhawaaqday inay lacag kaalmo ah oo dhan 250 million oo Dollar dhigtay Bandhiga Dhexe ee dalka Suudaan, si wax looga qabto Qalalaasaha ka taagan dalkaasi. Hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda ee Suudaan ayaa lagu sheegay in Ballanqaadkaasi Dhaqaale qeyb ka yahay Xirmooyinka Lacageed ee ay Sacuudiga iyo Imaaraadka ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Sacuudiga waxay ku dhawaaqday inay lacag kaalmo ah oo dhan 250 million oo Dollar dhigtay Bandhiga Dhexe ee dalka Suudaan, si wax looga qabto Qalalaasaha ka taagan dalkaasi.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda ee Suudaan ayaa lagu sheegay in Ballanqaadkaasi Dhaqaale qeyb ka yahay Xirmooyinka Lacageed ee ay Sacuudiga iyo Imaaraadka ku dhawaaqeen bishii April inay Suudaan siin doonaan lacag dhan 500 oo million oo Dollar.

- Advertisement -

Labadaa Dowladood waxay xilligaasi ballanqaadeen lacag guud ahaan dhamayd 3 Billion oo Dollar, iyadoo inta ka hartay Lacagtaasi lagu bixin doono Shidaal, Qamadi iyo Daawooyin la siiyo dadka Reer Suudaan ee weli bartanka kaga jira Xiisadda Siyaasadeed.

Yabvoohaasi waxa uu xal u noqon doonaa Qiimaha Lacagta Giniga ee Suudaan ee hoos u dhacday iyo sidii loo abuuri lahaa deganaanshaha dhanka qiimaha Sarifka Lacagaha ee dalkaasi.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee dalka Imaaraadka Carabta, Anwar Garqaash waxa uu horey u sheegay in Xirmooyinka Lacagta ee ay Sacuudiga iyo Imaaraadka sida wadajir u siinayaan Suudaan inay tahay dalkaasi oo u baahan taageero, kadib, 30-sanno oo Talis Milliteri oo Keli-talis ah soo maamuli jirey.

- Advertisement -

Waxa uu tilmaamay inay Imaaraadka Carabka jeceshay inay caawiyaan dalka suudaan oo uu xusay inuu yahay dal muhiim ah Dowladaha Carbeed, xilliga Kala-guurka ee ay ku jiraan

Bishii December ee sannadkii hore, Dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeeday Madaxweynihii Suudaan, Cumar Xasan Albashiir ayaa ka dhacay dalkaasi, iyadoo ay dadweynuhu ka cabanayeen qiimaha Rootiga iyo Shidaalka oo sare u kacay.

Wuxuuna Dibadbaxaasi horseeday in Madaxweyne Albashiir xilka kala tuuro bilowgii bishii April ee la soo dhaafay, isla markaana isaga loo taxaabay Xabsiga.

Balse, Rabshadaha ka socda Suudaan ayaa weli sii socda, waxaana laga war sugayaa Awood-qeybsiga Maamulka ee ay Golaha Milliteriga ee TMC iyo Isbahaysiga Mucaaradka ku doonayaan inay ku yegleelaan Dowlad loo dhan yahay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts