HomeWararMadaxweynaha Puntland oo ka hadlay in Qatar ay ku lug lahayd Qaraxii...

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay in Qatar ay ku lug lahayd Qaraxii Boosaaso

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta ka hadlay Warbixin ku aadan Cod Telefoon la sheegay inay is-dhaafsadeen Danjiraha Qatar u jooga Somalia, Ambassador Xasan Bin Xamza Haashim iyo Ganacsade aad ugu dhow Amiirka dalka Qatar  oo uu soo  bandhigay Wargeyka The New York Times ee ka soo baxa dalka Mareykanka. Madaxweyne Saciid […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta ka hadlay Warbixin ku aadan Cod Telefoon la sheegay inay is-dhaafsadeen Danjiraha Qatar u jooga Somalia, Ambassador Xasan Bin Xamza Haashim iyo Ganacsade aad ugu dhow Amiirka dalka Qatar  oo uu soo  bandhigay Wargeyka The New York Times ee ka soo baxa dalka Mareykanka.

Madaxweyne Saciid Deni oo ka qeyb galay Bandhigga Buugaagta Garoowe oo sanadkii 5-aad la qabtay ayaa waxaa uu sheegay in lagu kalsoonaan karo Warbixinta uu baahiyay Wargeyska The New York Times, taas oo ah in Danjiraha Qatar u jooga Soomaaliya iyo Ganacsade aad ugu dhow Amiirka Qatar ay kaga wada hadleen Qarax Bishii May ee Sanadkan ka dhacay Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

- Advertisement -

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa uu Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ka dalbaday inay baaritaan dhab ah ku sameeyaan Qoraal uu daabacay The New York Times ee ka soo baxa dalka Mareykanka.

Hadalkan Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu kusoo aadayaa,iyadoo Wargeyka The New York Times uu baahiyay Warbixin ku aadan Cod Telefoon laga duubay Danjiraha Qatar u jooga Soomaaliya iyo Ganacsade aad ugu dhow Amiirka dalka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thani,kaasi oo ay ka wada hadleen Qarixii bishii May ee sannadkan ka dhacay Boosaaso,kaasi oo Mas’uuliyadiisa Sheegtay Ururka Daacish.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts