HomeCaalamkaWiil uu dhalay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Koonfurta Kuurya oo u...

Wiil uu dhalay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Koonfurta Kuurya oo u goostay Waqooyiga Kuurya

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Ninkaasi oo lagu magacaabo Choe In-guk waxaa Aabe u ah Wasiirkii hore ee dalka Koonfurta Kuurya,  Choe Dok-shin oo horey ugu sugnaa dalka Waqooyiga Kuurya. Warbaahinta dowladda Waqooyiga Kuurya waxay sheegtay in Choe In-guk Deganaansho Joogto ah la siiyey, laguna soo dhaweeyey caasimadda dalkaasi ee Pyongyang. Shabakadda Dowladda Waqooyiga Kuurya ee Uriminzokkiri website waxay soo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ninkaasi oo lagu magacaabo Choe In-guk waxaa Aabe u ah Wasiirkii hore ee dalka Koonfurta Kuurya,  Choe Dok-shin oo horey ugu sugnaa dalka Waqooyiga Kuurya.

Warbaahinta dowladda Waqooyiga Kuurya waxay sheegtay in Choe In-guk Deganaansho Joogto ah la siiyey, laguna soo dhaweeyey caasimadda dalkaasi ee Pyongyang.

- Advertisement -

Shabakadda Dowladda Waqooyiga Kuurya ee Uriminzokkiri website waxay soo bandhigtay Sawirada Choe In-guk markii uu Sabtidii hore ka soo degay Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee magaalladda Pyongyang.

Ninkaasi baxsaday waxaa Aabe u ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee Koonfurta Kuurya, Choe Dok-shin, kadib markii ay isaga iyo xaaskiisa u goosteen Waqooyiga Kuurya sannadkii 1986-dii.

Wsaiirkaasi ayaa baxsaday, kadib, markii ay isku dhaceen Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Park Chung-hee, wuxuuna Wasiirka baxsaday geeriyooday sannadkii 1989-kii.

- Advertisement -

Afhayeenka Wasaaradda Mideynta ee Koonfurta Kuurya waxay xaqiijisay inuu Choe In-guk u baxsaday Waqooyiga Kuurya, isagoo aan wax fasax ah ka qaadanin Dowladda.

Afhayeenka oo Suxufiyiinta maanta kula hadlay caasimadda dalkaasi ee Seoul waxa uu xusay inay baarayaan faafinta safarkiisa ee u uku tegay Waqooyiga Kuurya.

Sida laga so oxigtay Wasaaradda Mideynta ee Koonfurat Kuurya waxa Choe In-guk loo fasaxay inuu 12 Safar oo sharci ah ku tegay dalka Waqooyiga Kuurya tan iyo sannadkii 2001-dii, si uu u soo booqdo qabriga Aabigiisa iyo inuu ka qeyb galo Aaska hooyadiisa oo lagu magacaabi jirey Ryu Mi Yong, taasi oo da’da 95 ku geeriyootay sannadkii 2016-kii.

Si kastaba ha ahaatee, Labada Waddan ee Koonfurta iyo Waqooyiga Kuurya waxay kala go’een muddo haatan laga joogo 70-sanno, kadib, markii uu dhex maray dagaal socday muddadii u dhexeysay sannadihii 1950-kii ilaa 1953-kii.

Tan iyo markii uu dhamaaday Dagaalkii Labada Kuurya, in ka badan 30,000 oo qof oo ku noolaa dhanka Waqooyiga Kuurya ayaa waxay u soo baxsadeen Koonfurta Kuurya, kadib, markii ay dhaqaale xumo iyo caburin siyaasadeed kala kulmeen Madaxda Waqooyiga Kuurya oo ku dhaqma Mabda’a Shuucinimadda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts