HomeCaalamkaTurkiga oo u hanjabay Ciidanka Khaliif Xaftar ee ka dagaalama Liibiya

Turkiga oo u hanjabay Ciidanka Khaliif Xaftar ee ka dagaalama Liibiya

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Wasiirka Difaaca ee Turkiga, Hulusi Akar ayaa sheegay inay jawaab culus ka bixin doonaan haddii ay Ciiddanka Khaliif Xaftar daandaansi ku sameeyaan Danaha Turkiga ku leeyahay gudaha dalka Libiya. Wasiirka oo Suxufiyiinta kula hadlay magaalladda Oska ee dalka Japan ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay wajahaan dagaal ay la galaan Ciiddanka Khaliifa Xaftar  haddi […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Difaaca ee Turkiga, Hulusi Akar ayaa sheegay inay jawaab culus ka bixin doonaan haddii ay Ciiddanka Khaliif Xaftar daandaansi ku sameeyaan Danaha Turkiga ku leeyahay gudaha dalka Libiya.

Wasiirka oo Suxufiyiinta kula hadlay magaalladda Oska ee dalka Japan ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay wajahaan dagaal ay la galaan Ciiddanka Khaliifa Xaftar  haddi ay waxyeello u geystaan Diyaaradaha iyo Maraakiibta Turkiga ee ku sugan gudaha dalkaasi.

- Advertisement -

Wasiirka Difaaca Turkiga waxa uu sheegay inaysan indhaha ka qabsan doonin fal kasta oo khatar daandaansi ah, isagoo dhanka kale sheegay inay diiradda saarayaan sidi iay dadka Liibiya u heli lahaayeen Nabad iyo Farxad.

Hadalka Wasiirka ayaa u muuqda inuu jawaab celin u ahaa hadal uu Afhayeenka Ciiddanka Khaliifa Xaftar ku sheegay inay mamnuuceen Diyaaradaha Ganacsiga ee Turkiga ee  duullimaadka ku taga Liibiya.

Afhayeenka oo lagu magacaabo Axmed Al-mismari waxa uu ciiddankiisa ku amray inay weeraraan Maraakiibta Turkiga iyo danaha uu ku leeyahay Liibiya.

- Advertisement -

Dowladaha Turkiga iyo Qatar waxay taageeraan Dowladda Liibiya ee ay QM taageerto, halka dowladaha Sacuudiga, Masar iyo Imaaraadka taageero la garab taagan yihiin Ciiddanka u daacadda ah Khaliifa Xaftar.

Dhinaca kale, Ciiddanka Dowladda Liibiya waxay soo bandhigeen Gantaalo, Daroonis iyo hub kale oo ay dalalka Maraykanka , Shiinaha iyo Imaaraadka horey ugu deeqeen Ciiddanka Khaliifa Xaftar.

Ciiddanka Dowladda waxay hubkaasi ku qabsadeen Saldhig ay Ciiddanka Xaftar ku leeyihiin Degmadda Qaryaan ee duleedka caasimadda dalkaasi ee Tripoli.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts