HomeWararCiiddanka u daacadda ah Khaliifa Xaftar oo laga qabsaday Saldhig Milliteri oo...

Ciiddanka u daacadda ah Khaliifa Xaftar oo laga qabsaday Saldhig Milliteri oo muhiim ah

Date:

Related stories

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray kumannaan askari Xananbuure

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tababar u soo xiray kumannaan askari oo hal sano ku qaatay Xananbuure, kuwaas oo ah ciidamadii ugu badnaa ee tababar ku qaata gudaha dalka tan iyo burburkii 1991-kii.

Jeexjeexyada Maqaarka: Yaa Ku Dhaca, Ma La Daaweyn Karaa?

Jeexjeexyada maqaarka waa xarriiqo caadi ah oo ka dhalan kara miisaan isbeddel uur, koritaanka jirka ama arrimo hidde-side ah Laakiin maxa sababa, yaase ugu badan mase dhab ahaan waa la daaweyn karaa?

Guuldaradii ugu ballarnayd ayaa la sheegay inay soo gaartay Ciiddanka u daacadda ah Sarkaalka hawlgabka ah ee Marshal Khalif Xaftar ee dagaalka kula jira Dowladda dalkaasi ee ay QM aqoonsan tahay. Ciiddanka Isbahaysiga ee Dowladda sharciga ee Liibiya ayaa la sheegay inay shalay qabsadeen Degmadda Qaryan ee Koonfurta caasimadda dalkaasi ee Tripoli. Deegaankaasi ayaa la […]

- Advertisement -

Guuldaradii ugu ballarnayd ayaa la sheegay inay soo gaartay Ciiddanka u daacadda ah Sarkaalka hawlgabka ah ee Marshal Khalif Xaftar ee dagaalka kula jira Dowladda dalkaasi ee ay QM aqoonsan tahay.

Ciiddanka Isbahaysiga ee Dowladda sharciga ee Liibiya ayaa la sheegay inay shalay qabsadeen Degmadda Qaryan ee Koonfurta caasimadda dalkaasi ee Tripoli.

- Advertisement -

Deegaankaasi ayaa la sheegay inay muhiim u tahay dhabaha ay sahayda u marto Ciiddanka Khaliifa Xaftar ee weerarka ku ah caasimadda dalkaasi ee Tripoli.

Qabsashadda Ciiddanka Dowladda Libiya ee magaalladda  Qaryan waxay dharbaaxo xun ku tahay Ciiddanka Khaliifa Xaftar ee Saldhigooda dhexe ku yaallo Bariga dalkaasi, kuwaasi oo bishii April 4-dii bilaabay guluf colaad oo ay ku doonayaan inay ku qabsadaan magaalladda Tripoli oo Xarun u ah Dowladda ay QM aqoonsan tahay.

Ciiddanka Khaliifa Xaftar oo isku magacaaba Ciiddanka Qaranka Libiya ee Libya National Army (LNA) wax horumar ah kama samaynin qorshihii ay ku qabsan lahaayeen magaalladda Tripoli, iyadoo aysan Aagga Dagaalka waxba iska bedelin muddo dhowr isbuuc ah.

- Advertisement -

 

Magaalladda Qaryan waxaa la sheegay inay ilaa shalay ahayd Saldhigga ugu weyn ee Ciiddanka Khaliifa Xaftar ee ay Ciiddanka, Hubka iyo rasaasta uga imaan jireen Bariga dalkaasi.

Ciiddanka Isbahaysiga ee Dowladda Libiya waxaa dhanka cirka ka taageeray Diyaaradaha Dagaalka oo garaacay Degmadda Qaryan oo 90 KM dhanka Koonfurta kaga toosan magaalladda Tripoli.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inuu weerarkaasi oo dhacay shalay subax uu ahaa mid la-yaab badan oo wax badan ka beddelay Jihadii Dagaalka ee dalkaasi.

Goobjoogayaasha waxay sheegeen inay Ciiddanka Dowladda la wareegeen Qolka Dhexe ee Hawlgalka ee Ciiddankii Khaliifa Xaftar, oo iyagu isla habeenkii isaga baxay Degmadaasi.

Qaryan waxay kaloo ku yaallay Isbitaalo iyo Saldhig Diyaaradaha Helikopterka oo ku yaallay duleedka Magaalladdaasi.

Goobjoogayaasha waxay sheegeen inay Ciiddanka Dowladda la wareegeen Qolka Dhexe ee Hawlgalka ee Ciiddankii Khaliifa Xaftar, oo iyagu isla habeenkii isaga baxay Degmadaasi.

Golaha Maxtooyadda ee Dowladda dalkaasi waxay sheegtay in si buuxda loo xoreeyey Qaryan, inkastoo mid ka mid ah xubnaha Golahaasi oo lagu magacaabo Maxamed Al-camaari ka digay weeraro soo-celin ah oo ay Kooxda Khaliifa Xaftar soo qaadaan.

Ma jiraan wax hadal oo ka soo baxay Ciiddanka Xaftar, inkasta oo uu Afhayeenkiisa, Axmed Mismari saacado ka hor sheegay inay iska caabiyeen Ciiddankii Dowladda Libiya.

Ciiddanka Xaftar waxay weli haystaan Degmadda Tarxuuna ee K/bari ee magaalladda Tripoli, waana xarunta labaad ee ugu weyn ee Hawlgalkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Ciiddanka Khaliifa Xaftar waxa uu taageero ka helaa dalal ay ka mid yihiin Sacuudiga, Masar iyo Imaaraadka, halka ay Ciiddanka Dowladda Liibiya taageero ka helaan dalal ay ka mid yihiin Turkiga iyo Qatar.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories