HomeWararMaxaa looga hadlay wadahadallo dhexmaray Wasiir Cawad iyo Wang Yi?

Maxaa looga hadlay wadahadallo dhexmaray Wasiir Cawad iyo Wang Yi?

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa wadahadal laba dhinacle ah oo kulan yeeshay dhiggiisa China, Mudane Wang Yi , Caasimadda Beijing. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Cawad, waxa uu ammaanay kaalinta China ee difaaca Arrimaha Afrika ee fagaarayaasha caalamiga iyo xal u helidda dhibaatooyinka walwalka leh ee dadka qaaradda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa wadahadal laba dhinacle ah oo kulan yeeshay dhiggiisa China, Mudane Wang Yi , Caasimadda Beijing.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Cawad, waxa uu ammaanay kaalinta China ee difaaca Arrimaha Afrika ee fagaarayaasha caalamiga iyo xal u helidda dhibaatooyinka walwalka leh ee dadka qaaradda haysta, si gaar ah kuwa la xiriira nabadgelyada, ammaanka iyo horumarka.

- Advertisement -

Wasiir Cawad ayaa tilmaamay xiriirka taariikhiga ah ee qotada dheer ee Soomaaliya iyo China ka dhexeeya iyo sida laga maarmaanka ay u tahay in laga shaqeeyo horumarinta iskaashigaasi wax wadaagga dhinacyada kala duwan leh, si gaar ah dhaqaallaha, ganacsiga, ka faa’ideysiga waayo-aragnimada China ee dhinacyada horumarinta kaabayaasha, waddooyinka, tamarta, tiknoolajiyadda, dalxiiska, beeraha, caafimaadka, sayniska, dhaqanka, shidaalka iyo gaaska, taas oo gacan ka geysan karta xoojinta iyo ka guul keenidda  “Qorshaha Horumarinta Qaranka. “

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda China Wang Yi waxa uu carabka ku dhuftay sida dalkiisu ugu faanayo xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya ee dhinacyo kala gedisan leh, si gaar ah siyaasadda iyo ganacsiga, iyo sidoo kale isku dhowaanshaha aragtiyada iyo mowqifyada labada dal ay ka kala qaataan arrimaha caalamiga iyo kuwa gobolka.

Dhammaadka wadahadalka diblomaasiyadeed ee salka ballaaran, Soomaaliya iyo China waxa ay kala saxiixdeen heshiis ku qotoma iskaashiga dhaqaalaha iyo farsamada.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts