HomeCaalamkaTaliyihii Milliteriga Ethiopia iyo Madaxweynihii Maamulka Amxaaradda oo lagu dilay Afgembigii fashilmay

Taliyihii Milliteriga Ethiopia iyo Madaxweynihii Maamulka Amxaaradda oo lagu dilay Afgembigii fashilmay

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Afhayeenadda  Xafiiska Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa lshaacisay in la dilay Taliyihii Guud ee Milliteriga dalkaasi, Jeneral Seare Mekonnen iyo Madaxweynihii Maamul-gobaleedka Amxaaradda, Ambajew Mekonnen iyo La-taliyihiisii oo la oran jirey Ezez Wasiye. Afhayeenadda oo lagu magacaabo Bilene Seyuum  waxay tilmaamtay in Madixii Ammaanka ee Maamulka Amxaaradda, Asaminew Tasige hogaaminayey kooxdii toogatay Madaxda Maamulka Amxaaradda […]

- Advertisement -

Afhayeenadda  Xafiiska Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa lshaacisay in la dilay Taliyihii Guud ee Milliteriga dalkaasi, Jeneral Seare Mekonnen iyo Madaxweynihii Maamul-gobaleedka Amxaaradda, Ambajew Mekonnen iyo La-taliyihiisii oo la oran jirey Ezez Wasiye.

Afhayeenadda oo lagu magacaabo Bilene Seyuum  waxay tilmaamtay in Madixii Ammaanka ee Maamulka Amxaaradda, Asaminew Tasige hogaaminayey kooxdii toogatay Madaxda Maamulka Amxaaradda iyo La-taliyihiisa oo iyagu kulan ku lahaa Xarunta Dhexe ee Maamulkaasi.

- Advertisement -

Waxay kaloo sheegtay  in Taliyaha Guud ee Milliteriga dalkaasi uu dilay Waardiyihiisa Khaaska, wuxuuna falkaasi  u muuqday inuu ku xiriirsanaa weerarkii lagu dilay Madixii Maamulka Amxaaradda iyo saraakiil kale.

Taliyihii Guud ee Milliteriga dalkaasi waxaa lala dilay Jeneral Hawlgab ah oo salaan ugu yimid.

Mar sii horreysay, Madaxa Ciiddanka Khaaska ee Gobalka Amxaaradda, Jeneral Tefera Mamo waxa uu u sheegay Telefishinka Dowladad Ethiopia in inta badan dadkii isku dayey Afgembiga la xiray, inkastoo ay dhowr kalena baxsad ku jiraan.

- Advertisement -

 

Tan iyo markii uu Ra’isul-wasaare Abiy Ahmed talada la wareegay sannadkii hore waxa uu isku hawlay sidii uu Isbedel Siyaasadeed ugu samayn lahaa dalkaasi oo ay ku nool yihiin 100 million oo qof.

Waxa uu sii daayey Maxaabiistii Siyaasadeed, waxaana u uqaaday Bandow saarnaa Xisbiyadda Siyaasadda, iyadoo dacwado lagu soo oogay Saraakiishii lagu soo eedeeyey inay geysteen Tacadiyo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha.

Dalka Ethiopia waxaa la qorsheynayaa in Doorashadda Barlamaanka Qaranka la qabto sannadka soo socda, inkastoo dhowr Kooxo Mucaarad ah ku baaqeen in la joojiyo Doorashadaas sababo la xiriira Kacdoonka iyo Barakaca ka jira dalkaasi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories