HomeWararSawirro:-Madaxweynaha Somaliland oo Imtixaan u Daah-furay 30 Kun oo Arday

Sawirro:-Madaxweynaha Somaliland oo Imtixaan u Daah-furay 30 Kun oo Arday

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa daah-furay qaybinta imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada siddeedaad ee dugsiyada dhexe iyo kuwa Afraad ee dugsiyada sare oo si rasmi ah maanta uga bilaabmay guud ahaanba Somaliland. Imtixaankan oo ay u fadhiisteen arday tiradoodu gaadhayso 30,000 (soddon kun) oo arday, ayuu madaxweynuhu ka daah-furay dugsiga Sheekh Cali Ibraahim […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa daah-furay qaybinta imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada siddeedaad ee dugsiyada dhexe iyo kuwa Afraad ee dugsiyada sare oo si rasmi ah maanta uga bilaabmay guud ahaanba Somaliland.

Imtixaankan oo ay u fadhiisteen arday tiradoodu gaadhayso 30,000 (soddon kun) oo arday, ayuu madaxweynuhu ka daah-furay dugsiga Sheekh Cali Ibraahim ee bartaha caasimadda Hargeysa ah dugsigii kasoo baxay 53 sano ka hor, waxana uu Ardayda Imtixaanka gelaysa, bahda waxbarashada iyo cid kasta oo imtixaanka gacanta ku haysaba kula dardaarmay inay u hoggaansamaan shuruucda Imtixaanka oo uu tilmaamay inuu geliyey waqti badan iyo tamarba.

- Advertisement -

Ugu horrayn madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu si gaar ah ula dardaarmay ardayda Imtixaanka shahaadiga u fadhiisanaysa guud ahaanba, waxana uu xasuusiyey inuu mustaqbalkoodu gacantooda ku jiro, loogana baahan yahay inay maanta sii diyaarsadaan sida uu mustaqbalkoodu u ekaan doono iyo kaalinta ay nolosha ka geli doonaan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horreeyey ee gacantiisa ku qaybiya imtixaanka Somaliland.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts