HomeMaqalDhageyso:-Ciidanka Xoogga oo Al-shabaab kala wareegay deegaano hor leh

Dhageyso:-Ciidanka Xoogga oo Al-shabaab kala wareegay deegaano hor leh

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Ciidanka Milateriga Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Gedo gaar ahaan Degmada Baardheere ayaa howlgalo qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen deegaano hoostaga degmadaas. Howlgalka Ciidamada ayaa intii uu socday waxaa ay dagaal kula wareegeen deegaano ka tirsan Gobolka Gedo,halkaasi oo ay ku sugnaayeen Dagaalamayaasha Al-shabaab,isla markaana waxaa dagaalka ka dhashy Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidanka Milateriga Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Gedo gaar ahaan Degmada Baardheere ayaa howlgalo qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen deegaano hoostaga degmadaas.

Howlgalka Ciidamada ayaa intii uu socday waxaa ay dagaal kula wareegeen deegaano ka tirsan Gobolka Gedo,halkaasi oo ay ku sugnaayeen Dagaalamayaasha Al-shabaab,isla markaana waxaa dagaalka ka dhashy Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay

- Advertisement -

Deegaanada Al-shabaab laga qabsaday ayaa waxaa ka mid ah Cali Xareyd,gubad xaar iyo Juungal,halkaasi oo in muddo ah ay ku sugnaayeen sida uu warbaahinta u sheegay Taliska qeybta 49-aad ee Magaalada Baardheere.

Taliyaha qeybta 49-aad ee Ciidanka Xoogan Soomaaliyeed Dhame Cali Maxamed ayaa waxaa uu sheegay in howlgalka Ciidamada ay ka wadan Gobolka Gedo uu yahay mid la doonayo Al-shabaab looga xoreeyo deegaanada hoostaga degmada Baardheere,isla markaana waxaa uu xusay in Al-shabaab deegaanka ay ka qabsadeen ay ku qaadi jireen lacago Zakawaad ah.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Dhame Cali Maxamed in howlgalka Ciidamada ay sii wadi doonaan ila shabaab laga saaro Gobolada dalka Soomaaliya,isagoona baaq u direy dhallinyada ka tirsan Al-shabaab.

- Advertisement -

Hoos ka Dhageyso Codka Taliyaha qeybta 49-aad ee Ciidanka Xoogan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories