HomeWararDowladaha ku xeeran Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo kulan ku yeelan...

Dowladaha ku xeeran Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo kulan ku yeelan doona Sacuudiga

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Wasiiradda Deegaanka ama Bii’adda ee dalalka ku xeeran Badda Cas iyo Gacanka Carbeed ayaa la filayaa inay maalinta Arbacadda ee soo socota Kulan ku yeeshaan caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyaadh. Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay inay Wasiiradda ka kala socday dalalka Sacuudiga, Somalia, Masar, Yemen iyo kuwo kale ay ka wada xaajoon doonaan Xaalladda guud ee […]

- Advertisement -

Wasiiradda Deegaanka ama Bii’adda ee dalalka ku xeeran Badda Cas iyo Gacanka Carbeed ayaa la filayaa inay maalinta Arbacadda ee soo socota Kulan ku yeeshaan caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyaadh.

Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay inay Wasiiradda ka kala socday dalalka Sacuudiga, Somalia, Masar, Yemen iyo kuwo kale ay ka wada xaajoon doonaan Xaalladda guud ee Bad-qabka Deegaanka ee dhamaan dalalka ku xeeran Badda Cas iyo Gcaanka Cadmeed.

- Advertisement -

Bishii December ee sannadkii hore, Dowladda Sacuudiga waxay ku dhawaaqday asaaska Madal ay ku mideysan yihiin Dowladaha ku xeeran Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, si looga wada shaqeeyo Ammaanka iyo maal-gelinta Mandiqadda.

Baaqaasi ayaa soo baxay, kadib, markii ay Wasiiradda Arrimaha Dibedda Sacuudiga, Somalia, Jabuuti, Masar iyo Yemen ka wada xaajoodeen dhismaha Golaha dalalka Carabta iyo Afrika ee kaabiga ku haya Badda Cas iyo Gacanka Carbeed.

Dhismaha Golahaasi ayaa looga dan leeyahay in lagu sugo Ammaanka Badda iyo in laga hortago fal kasta oo lagu carqaladaynayo Deganaanshaha Badda iyo Maraakiibta isaga kala gooshta Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories