HomeWararMidowga Afrika oo xilliga u kordhiyey Hawlgalka AMISOM

Midowga Afrika oo xilliga u kordhiyey Hawlgalka AMISOM

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) waxay bishan May 9-dii Kulankoodii 848-aad ka yeesheen Warbixintii Guddoomiyaha AU-da ee Dib-u-eegista Wdaajirka ee AU-da iyo QM ee Hawlgalka AMISOM ee Somalia. Kulankaasi oo uu shir guddoominayey Danjiraha Joogtadda ee Dowladda Ruwanda, ahna Madaxa Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee PSC ee bishan, Ambassador Hope Tumukunde Gasatura waxaa warbixino laga dhegeystay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) waxay bishan May 9-dii Kulankoodii 848-aad ka yeesheen Warbixintii Guddoomiyaha AU-da ee Dib-u-eegista Wdaajirka ee AU-da iyo QM ee Hawlgalka AMISOM ee Somalia.

Kulankaasi oo uu shir guddoominayey Danjiraha Joogtadda ee Dowladda Ruwanda, ahna Madaxa Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee PSC ee bishan, Ambassador Hope Tumukunde Gasatura waxaa warbixino laga dhegeystay Agaasimaha Golaha PSC,Dr. Admore Kambudzi oo ku hadlayey magaca Guddoomiyaha Golaha Nabadda iyo Ammaanka Afrika ee PSC, Ambassador Ismail Chergui iyo Ergayga Gaarka ee Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, AmbassadorFrancisco Madeira iyo Wakiilo ka kala socday dalalka Somalia, Ethiopia, Ekwatooriyal Gini, Urur-gobaleedka IGAD, QM iyo Midowga Europe.

- Advertisement -

Hadal-qoraal oo ka so obaxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) waxaa lagu sheegay in horumar muuqda laga sameeyey hubinta Ammanka iyo Nabadda Somalia iyo sida ay uga go’an tahay muhiimadda Joogitaanka Ciiddanka AMISOM ee gudaha Somalia.

Golaha PSC  waxay kaloo go’aamiyeen dib-u-cusbooneysiinta Xilli-hawleedka Hawlgalka AMISOM, waxayna isku raaceen in muddo 12 bilood lagu daro Xilliga Hawlgalkaasi ilaa laga gaarayo bisha May 27-da ee sannadka soo socda ee 2020-ka.

Muddo-kordhintaasi waxaa la sheegay in looga dan leeyahay in lagu taageero Xaqiijinta Qorshha Xilliga Kala-guurka ee Somalia ( The Somali Transitional Plan (STP).”

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts