HomeMaqalDhageyso:-Ciidanka amniga oo soo badbaadiyay Ruux laga afduubtay Muqdisho

Dhageyso:-Ciidanka amniga oo soo badbaadiyay Ruux laga afduubtay Muqdisho

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ciidamada ammaanka oo howlgalo lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda ka sameeyay degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir ayaa waxaa ay gacanta kusoo dhigeen rag la sheegay inay yihiin Burcad dhac iyo Afduub u geysan jiray dadka deegaanka Dharkeenley. Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Dharkeenley Ismaaciil Muuse Yuusf oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in laba maalin kahor […]

- Advertisement -

Ciidamada ammaanka oo howlgalo lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda ka sameeyay degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir ayaa waxaa ay gacanta kusoo dhigeen rag la sheegay inay yihiin Burcad dhac iyo Afduub u geysan jiray dadka deegaanka Dharkeenley.

Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Dharkeenley Ismaaciil Muuse Yuusf oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in laba maalin kahor gudaha degmadaas lagu afduubtay Shaqaale ka shaqaynayay mid kamid ah Shirkadaha bixiya Adeega internetka,isla markaana ay falkaas u geystay laba ruux  oo ka kamid ah uu yahay Askari ka tirsan Ciidanka xooga dalka ayna gacanta ku hayaan,sidoo kalena saddex kale oo ka kamid ah  raggan la qabtay ay baxsadeen,hayeeshee Ciidanka amniga ay ku daba jiraan.

- Advertisement -

Sidoo kale waxaa Ciidanka amniga ayaa gacanta ku dhigay gaarigii lagu Afduubtay Ninka Shaqaalaha ahaa iyo Darawalkii waday.

Dhinac kale Guddoomiyaha degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir Abuukar Axmed  Cadow ayaa isna waxaa uu digniin adeg u diray dadka shacabka dhibaatada u geytsa,wuxuuna xusay in arrintaas  maamulka Degmada uusan aqbali doonin.

Shacabka kunool degmada uu Mas’uul ka yahay ayuu kula dardaarmay in aysan ka cabsan dadka dhibaatooyinka ku haaya,isla markaana ay kusoo wargeliyaan laamaha amniga,isagoona balan qaaday in cid ilaalla iyo cid kasta oo dhibaato wada ay wax ka qaban doonaan.

- Advertisement -

Falkaan ka dhacay Gobolkan Banaadir ee lagu Afduubtay Shaqaale ka shaqaynayay mid kamid ah Shirkadaha bixiya Adeega internetka ayaa ah ku cusub Magaalada Muqdisho oo mudooyinkii dambe uusan ka dhicin.

Hoos ka Dhageyos Codka Taliyaha Booliska degmada Dharkeenley Guddoomiyaha iyo Qofkii la Afduubtay.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories