HomeWararMaamulka Hirshabeelle oo ka hadlay Dagaal culus oo ka dhacay duleedka Balcad

Maamulka Hirshabeelle oo ka hadlay Dagaal culus oo ka dhacay duleedka Balcad

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Qeybta 27aad ee ka howlgasha deegaanada Hirshabeelle iyo dagaalamayaasha Al-shabaab. Dagaalkan ayaa markii hore waxaa uu ka bilowday weerar ay Ciidamada dowladda ku qaadeen deegaanada Yaaqle iyo Shanlow ee  hoostaga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Qeybta 27aad ee ka howlgasha deegaanada Hirshabeelle iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa markii hore waxaa uu ka bilowday weerar ay Ciidamada dowladda ku qaadeen deegaanada Yaaqle iyo Shanlow ee  hoostaga degmada Balcad,halkaasi oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab,waxaana intaasi kadib xigay dagaal saacado badan qaatay oo labada dhinac dhexmaray.

- Advertisement -

Afhayeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Ciro oo ka hadlay dagaalka ayaa waxaa uu sheegay in dagaalkaaas uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho dhaawac oo soo gaaray Al-shabaab,isla markaana ay ka qabsadeen dhowr qori ay lahaayeen.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Daa’uud Xaaji Ciro in 13 kamid ah Al-shabaab ay ku dileen howlgalkii ka dhacay deegaanada Yaaqle iyo Shanlow ayna kusoo furteen 16 qoray.

Ugu dambeyntii ayuu tilmaamay Afhayeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle in howlgalkan uu qeyb ka yahay qorshaha lagu furaayo wadada Xiriirisa Degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

- Advertisement -

Dhinaca kale war Al-shabaab ay barahooda internet-ka ku qoreen ayaa waxaa ku sheegteen in dagaalkii galabta ay ka dhacay duleedka Balcad ay ku dileen Abaanduulihii Guutada Labaad ee ciidamada dowladda Gaashaanlle dhexe Cali Caliif iyo ku xigeenkiisa,kaasi lagu magacaabo C/Kariim Hilowle.

Sidoo kale Al-shabaab waxaa ay sheegteen inay dileen 11 Askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda,isla markaana dagaalka ay ku gubeen 3 gaari oo nooca dagaalka ah.

Hayeeshee ilo madax banaan ayaa Idaacada Dalsan  u xaqiijiyay in Abaanduulaha dhaawac uu soo gaaray,kadib markii Qarax miino oo dhulka lagu aasay ay haleeshay Gaari uu la socday ,isla markaana waxaa loo soo qaaday Magaalada Muqdisho si loogu dabiibo xaaladiisa Caafimaad.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts