HomeCaalamkaAfartameeyo qof oo ku geeriyootay Diyaarad ku burburtay Raashiya

Afartameeyo qof oo ku geeriyootay Diyaarad ku burburtay Raashiya

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Ugu yaraan 41 qof ayaa ku geeriyootay Diyaarad Rakaab oo uu dab qabsaday, xilli ay si degdeg ugu degi lahayd Garoonka caalamiga ee Sheremetyevo oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Mosko. Shirkadda diyaaradaha ee Aeroflot  ayaa sheegtay in mid ka mid ah Diyaraadeeda uu dab qabsaday, xilii ay si degdeg ah u caga-dhiganaysay Garoonkaasi. Baarayaasha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ugu yaraan 41 qof ayaa ku geeriyootay Diyaarad Rakaab oo uu dab qabsaday, xilli ay si degdeg ugu degi lahayd Garoonka caalamiga ee Sheremetyevo oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Mosko.

Shirkadda diyaaradaha ee Aeroflot  ayaa sheegtay in mid ka mid ah Diyaraadeeda uu dab qabsaday, xilii ay si degdeg ah u caga-dhiganaysay Garoonkaasi.

- Advertisement -

Baarayaasha waxay sheegeen in  ugu yaraan 2 carruur ka mid ahaayeen dadkii ku geeriyooday shilkaasi, iyadoo inta badan Rakaabka ka baxeen Albaabadda Gurmadka ee ay Diyaaraddu lahayd.

Mid ka mid ah Rakaabka ayaa sheegay inay biriq ku dhacday Matoorka Diyaaradda, taasi oo keentay inuu Matoorku dab qabsado.

Muuqaalka Diyaaradaasi oo noocoodu ahaa Sukhoi Superjet 100  oo olololeysa ayaa lagu baaahiyey Warbaahinadda, iyadoo ay Kooxaha Dab-damiska ku hawlanaayeen daminta dabkaasi.

- Advertisement -

Diyaaradda oo ay la socdeen 73 qof oo rakaab ah iyo 5 ka mid ah Shaqaalaha Diyaaradda waxay ka ambabaxday Garoonka Mosko, iyadoo ku sii jeeday magaalladda Murmansk ee Waqooyiga dalkaasi, ka hor inta uusan Duuliyaha si degdeg ah dib ugu so olaabanin Garoonka Mosko, kadib, markii uu arkay inuu dab ka kacay mid ka mid ah Matooradda Diyaaradaasi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts