HomeCaalamkaJiirka ama Doolliga oo loo adeegsanayo sahminta Miinooyinka dhulka lagu aaso

Jiirka ama Doolliga oo loo adeegsanayo sahminta Miinooyinka dhulka lagu aaso

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Jiirka ama Doolliga oo inta badan aysan dadku jeclayn ayaa waxaa la soo weriyey in loo adeegsan karo sahminta goobaha la dhigo miinooyinka dhulka lagu aaso iyo sidii lagu ogaan lahaa dadka la il-daran Cuddurka Qaaxadda ama TB-da.

Doolliga inkastoo ay yihiin xayawaano yaryar oo aad u xun, haddana waxaa la qiri karaa inay yihiin xayawaan aad u caqli badan oo dadaal badan.

- Advertisement -

Khubarada ayaa sheegay inay Doolliga qaabka urinta ku ogaan karaan meelaha miinooyinka lagu aaso iyo dadka la xanuunsan cuddurka Qaaxadda.

Haddii hadalka qaab kale loo dhigo, waxaa la dhihi karaa Doolliga waxay badbaadiyaan nolol badan.

Hay’ad aan Dowli ahayn oo lagu magacaabo The APOPA Foundation oo Xarunteeda dhexe ku taallo magaalladda Geneva ee dalka Switzerland waxay saddex duleel miisaaniyadeeda sannadlaha oo dhan 4.5 million ee Lacagata Fraanka ee Switzerland oo u dhiganta 4.48 million Dollar waxay ka helaan Deeq-bixiyayaal iyo Ururro.

- Advertisement -

Hay’addan NGO-ga waxaa sannadkii 1995-tii asaasay saynis-yahan u dhashay dalka Belgium, oo lagu magacaabo Bart Weetjens, kaasi oo soo hindisay Aragtida ku aadan in Dooliga ama Jiirka loo tababaro si ay u ogaadaan Miinooyinka dhulka lagu aaso iyo inay dareemaan shaqsiga qaba Cuddurka Qaaxadda ama TB-da.

In Dooli loo tababaro Xirfadaasi waxay qaadan kartaa muddo 9 bilood, iyadoo tababarka Doolli kasta uu ku baxayo Kharaj dhan 5,000 oo Faranga Switzerland.

Hay’adda aan Dowliga ahayn ee APOPO waxay haatan mashaariic miino-baaris ah ka wadaan dalalka Cambodia iyo Angola, waxayna  wada-xaajoodka Heshiis cusub la wadaan dalalka Columbia iyo Zimbabwe.

Hay’adda waxay dalka Mosombique ka taageertay miino-saarka, iyadoo aanan haatan dalkaasi xor ka yahay khatarta miinooyinka.

Xarun Tababar oo Takhasusi ah ayey Hay’addu ku leedahay dalka Tanzania, oo lagu tababarayo Jiirka loo adeegsado miino-baarista.

Aad bay raqiis u tahay in dooliga la quudiyo, la tababaro iyo in lala raaco gaadiidka.

Guddoomiyaha Hay’adda APOPO Foundation ee magaalladda Geneva, Yves Hervieu-Causse waxa uu sheegay in Doolliga ama Jiirka galangal shaqo oo aad u wanaagsan ku leeyihiin shaqadooda dhulka  kaymaha badan, wuxuuna tababarkooda aad uga fudud yahay  Tababarka Eeyda loo adeegsado Miino-baarista.

Telefishinka Dowladda Switzerland ee SFR waxay so obandhigeen muuqaal ay ka soo duubeen Doolliga loo adeegsado Hawlgalka miino-baarista ee dalka Combodia, oo ah Waddanka ugu khatarta badan ee miinooyinka ugu aasan lagu aasay, kadib, dagaal socday muddo 30-sanno ah.

Dhinaca kale, Doolliyaasha Tababaran oo lagu naanayso Dooliyaasha Geesiga ah “Hero Rats” waxaa kaloo loo tababaray inay shaaciyaan Bukaanadda la il-daran Cuddurka Qaaxadda ama TB-da, iyagoo urinaya candhuufta Bukaanka looga shakisan yahay inu uqabo cuddurkaasi.

Daqiiqado gudaheeda ayey Doolliyaasha Tababaran ku qaadataa 7 daqiiqo inay ku ogaadaan haddii candhufta ku jiraan Jeermiska dhaliya cuddurka Qaaxadda, halka Dhakhtarka uu baaritaankaasi ka qaadan karto hal maalin si uu u ogaado inuu Bukaanka qabo Cuddurkaasi.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories