HomeWararMareykanka oo ka hadlay dilka Ku-xigeenkii Hoggaamiyaha Daacish-ta Somalia

Mareykanka oo ka hadlay dilka Ku-xigeenkii Hoggaamiyaha Daacish-ta Somalia

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Dowladaha Maraykanka iyo Somalia waxay xaqiijiyeen in Ku-xigeenkaasi lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo bishan 14-di ika dhacday Tuulladda  Xiriiro ee duleedka Degmadda Qandala ee Gobalka Bari ee Puntland. Hadal-qoraal oo ka soo baxay Taliska Milliteriga Maraykanka ee ku sugan Qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa lagu sheegay inay duqeyn ku dileen Sarkaal Sare oo ka tirsan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladaha Maraykanka iyo Somalia waxay xaqiijiyeen in Ku-xigeenkaasi lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo bishan 14-di ika dhacday Tuulladda  Xiriiro ee duleedka Degmadda Qandala ee Gobalka Bari ee Puntland.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Taliska Milliteriga Maraykanka ee ku sugan Qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa lagu sheegay inay duqeyn ku dileen Sarkaal Sare oo ka tirsan Daacish-ta Somalia.

- Advertisement -

AFRICOM waxay sheegtay inay dileen C/xakiim Maxamed Ibraahim “C/xakiim Dhuqub” oo ahaa Ku-xigeenkii Hoggaamiyaha Daacish-ta Somalia, kaasi oo horey xilkaasi kala wareegay Ku-xigeenkii hore ee Daacish-ta Somalia, Mahad Macallim, kaasi oo sannadkii hore lagu dilay magaalladda Muqdisho.

AFRICOM waxay kaloo sheegtay in C/xakiim Dhuqub mas’uul ka ahaa Hawl-galladda Maalinlaha ee Daacish-ta Somalia, qorsheynta weeraradda iyo dhaqaale-ururinta.

Kooxda Daacish-ta Somalia oo uu hoggaamiyo Sheekh C/qaadir Muumin waxay Saldhigyo ay ka hawl-galaan ku  leeyihiin Puntland, waxayna mas’uul ka yihiin toogasho, qaraxyo iyo dilal qorsheysan ka dhacay guud ahaan dalka Somalia tan iyo sannadkii 2016-kii.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, duqeynta Diyaaradeed ee ay Maraykanka ku dileen C/xakiim Dhuqub ayaa ah kii ugu horreeyey ee ay Milliteriga Maraykanka ku beegsadeen Kooxda Daacish-ta Somalia tan iyo bishii November ee sannadkii 2017-kii.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts