HomeWararSawirro:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Shir ku qabatay Muqdisho

Sawirro:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Shir ku qabatay Muqdisho

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Waxaa ku qabsoomay Muqdisho Shirka isdhexgalka Qurbajoogta iyo Gudajoogta si loo xoojiyo aragti mideysan oo laga yeesho horumarka Soomaaliya, iyadoo shirku goobjoog ka ahaa Ra’iisul wasaare kuxigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), tiro wasiirro ah iyo xubno kale oo kala tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare. Shirka waxaa soo qaban-qaabisay Waaxda Qurbajoogta ee Wasaaradda Arrimaha […]

- Advertisement -

Waxaa ku qabsoomay Muqdisho Shirka isdhexgalka Qurbajoogta iyo Gudajoogta si loo xoojiyo aragti mideysan oo laga yeesho horumarka Soomaaliya, iyadoo shirku goobjoog ka ahaa Ra’iisul wasaare kuxigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), tiro wasiirro ah iyo xubno kale oo kala tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Shirka waxaa soo qaban-qaabisay Waaxda Qurbajoogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, iyadoo kaashanaysa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), taasi oo ka qeyb ah dadaalka lagu bixinayo dhiirrigelinta qurbajoogta Soomaaliyeed si ay u maalgeshtaan dalka, iyadoo tanina ay ka qeybqaadanayso kobaca dhaqaale iyo abuuridda fursado shaqo oo cusub.

- Advertisement -

Shirka oo ay ka qeybgaleen tiro badan oo Qurbajoog Soomaaliyeed iyo muwaadiniin daljoog ah ayaa looga dooday habka loo xoojin karo yididiilada Soomaalida ee nabadda, midnimada iyo horumarka dalka. qaar ka mid ah ka qeybgalayaasha ayaa waxa ay ammaaneen muwadiniinta dal joogta ah sababo ku aaddan adkeysigooda iyo u sabridooda dhibaatooyinka.

Khudbad uu Ra’iisul wasaare kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ka jeediyay shirka ayuu ku baaqay in la dardargeliyo dhiirrigelinta qurbajoogta Soomaaliyeed si dalka dib ugu soo noqdaan, ugana qeyb qaataan nabad dhisidda iyo dib u dhiska Soomaaliya oo ka soo kabanaya muddo laba xilli oo dagaallo ah, isagoo sheegay in dalku si sugan oo lagu kalsoonyahay horusocod u samaynayo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories