HomeMaqalDhageyso:-Taliska Booliska oo faah faahin ka bixiyay hub lagu qabtay Muqdisho

Dhageyso:-Taliska Booliska oo faah faahin ka bixiyay hub lagu qabtay Muqdisho

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed oo warbaahinta la hadashay xalay ayaa ka warbixisay howlgal Ciidanka amniga ay ka sameeyeen qeybo kamid ah duleedka Muqdisho iyo Gobolada dalka Soomaaliya. Waxa ay sheegtay Sarreeye guuto Zakia in Ciidanka amniga howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Ceelasha biyaha ay ku qabteen keydkii ugu weynaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed oo warbaahinta la hadashay xalay ayaa ka warbixisay howlgal Ciidanka amniga ay ka sameeyeen qeybo kamid ah duleedka Muqdisho iyo Gobolada dalka Soomaaliya.

Waxa ay sheegtay Sarreeye guuto Zakia in Ciidanka amniga howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Ceelasha biyaha ay ku qabteen keydkii ugu weynaa ee hubka Al-shabaab.

- Advertisement -

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in hubkaas oo ahaa mid farabadan laga soo saaray Godad lagu aasay oo ku yaalla Ceelasha Biyaha ee Duleedka Muqdisho,isla markaana isugu jiray dhowr nooc oo ka kooban waxyaabaha qarxa ah.

Dhinaca kale Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed ayaa tilmaamtay in howlgal laga sameeyay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu soo qabtay 35 ruux oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Waxa kaloo ay xustay Sarreeye guuto Zakia Axmed in deegaanka Sabiib ee isla Shabeellaha Hoose lagu qabtay ilaa iyo 14 dhalinyaro ah,kuwaasi oo iyana looga shakisan yahay Al-shabaab.

- Advertisement -

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda howlgal xoogan oo lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda,kadib markii maalmihii la soo dhaafay ay ka dhaceen falal amnidarro xun,iyadoona Ciidanka amniga dowladda Soomaaliya ay wadaan howlgalkaas uu ku dhawaaqay maamulka Gobolka Banaadir.

Hoos ka Dhageyso Codka Sarreeye Guuto Zakia Xuseen Axmed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts