HomeWararGacan-ku-dhiigle u dhashay Britain oo lagu helay inuu dilay nin Soomaali ah

Gacan-ku-dhiigle u dhashay Britain oo lagu helay inuu dilay nin Soomaali ah

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Gacan-ku-dhiiglaha oo lagu magacaabo Gary Hopkins oo 37 jir ah ayaa waxaa Khamiistii la soo dhaafay ee bishan March ahayd 28-ka la soo taagay  Maxkamadda Old Bailey ee magaalladda London, waxaana lagu helay inuu ka dambeeyey dilkii Muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabi jirey Cabid Cali oo 18-sanno jir ahaa, kaasi oo la dilay bishii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Gacan-ku-dhiiglaha oo lagu magacaabo Gary Hopkins oo 37 jir ah ayaa waxaa Khamiistii la soo dhaafay ee bishan March ahayd 28-ka la soo taagay  Maxkamadda Old Bailey ee magaalladda London, waxaana lagu helay inuu ka dambeeyey dilkii Muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabi jirey Cabid Cali oo 18-sanno jir ahaa, kaasi oo la dilay bishii December 21-dii ee sannadkii 2017-kii.

Marxuumka ayaa la sheegay in lagu dilay guri uu degganaa Gacan-ku-dhiiglaha oo ku yaalla Degmadda Enfield  oo masaafo ahaan 16.3 KM dhanka W/bari kaga toosan Bartamaha magaalladda London, wuxuuna Marxuumka u geeriyooday  Burus uu madaxa kaga dhuftay iyo mindi uu dhererkeedu ahaa 16 Sentimitir uu uga dhuftay wadnaha.

- Advertisement -

Gacan-ku-dhiiglaha waxaa kaloo la sheegay inuu Marxuumka ka dhacay lacag dhan 400 oo Geniga Istarliinka ama Pound-ka ee dalka Britain (£400).

Gacan-ku-dhiiglaha Gary Hopkins waxay kaloo maxkamaddu ku heshay inuu maydka Marxuumka muddo 8 bilood ku dhex qariyey saqafka srae ee qeyb ka mid ah  Gurigii uu degganaa.

Maxkamaddu waxay xukunka Gacan-ku-dhiiglahaasi ku dhawaaqi doonta bisha soo socota ee April 26-da, sida uu ku dhawaaqay Garsooraha Maxkamadda.

- Advertisement -

Dhinaca kale,  Nin la saaxiib ahaa Gacan-ku-dhiiglaha ayaa la sii daayey, kadib, markii lagu waayey inuu ku lug lahaa dilkaasi.

Sidoo kale, haweeney la saaxiib ahayd Gacan-ku-dhiiglaha ayaa la sheegay inay Boliska ka taageertay inay  maydka Marxuumka ka soo helaan guriga Gacan-ku-dhiiglaha.

Waxay sheegtay inay guriga u deggaana Gacan-ku-dhiiglaha tagtay  bishii August 25-dii ee sanandkii 2018-kii,  isla markaana ay aragagax ka qaatay, markii uu tusiyey halka uu ku qariyey  maydka Ninka Soomaaliga.

Ugu dambeyntii, Qoyska Marxuumka waxay horey Boliska ugu wargeliyeen in markii ugu damayasay  Marxuumka lagu arkay Xafladda Arooska Walaashiisa bishii December 11-dii ee sannadkii 2017-kii  balse wixii xilligaasi  ka dambeyeyna  la waayey muuqiisa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts