HomeMaqalDhageyso:-Muxuu ka dhiganyahay is bedelka lagu sameeyay hogaanka Ciidanka Xooga dalka?

Dhageyso:-Muxuu ka dhiganyahay is bedelka lagu sameeyay hogaanka Ciidanka Xooga dalka?

Date:

Related stories

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Saraakiisha Khibradda Milliteri leh ayaa soo dhaweeyey Isbedelka iyo Isku-shaandheynta lagu sameeyey qaabka hoggaamineed ee Ciiddanka, isla markaana Abaanduulihii Ciiddanka loo wareejiyey Ciiddanka Dhulka ee lafdhabarka u ah qeybaha kale ee Ciiddanka X.D.S. Laba Xiddigle C/qaadir Maxamed Gacal oo ka tirsan Saraakiisha Ciiddanka X.D.S. waxa uu Aragti ahaan rumeysan yahay inay meesha ka bixi doonto […]

- Advertisement -

Saraakiisha Khibradda Milliteri leh ayaa soo dhaweeyey Isbedelka iyo Isku-shaandheynta lagu sameeyey qaabka hoggaamineed ee Ciiddanka, isla markaana Abaanduulihii Ciiddanka loo wareejiyey Ciiddanka Dhulka ee lafdhabarka u ah qeybaha kale ee Ciiddanka X.D.S.

Laba Xiddigle C/qaadir Maxamed Gacal oo ka tirsan Saraakiisha Ciiddanka X.D.S. waxa uu Aragti ahaan rumeysan yahay inay meesha ka bixi doonto is-qabqabsiga, isla markaana la kala saaray shaqada Hoggaan kasta oo ka tirsan Ciiddanka XDS.

- Advertisement -

Sarkaalku waxa uu qeexay in Ciiddanka XDS ka kooban yihiin Ciiddanka Dhulka, Ciiddanka Cirka iyo Ciiddanka Badda, isla markaana ay kala leeyihiin Talisyo iyo Hoggaan sahaqadooda la kala saaray, balse ay iskaabaan marka ay jiraan Hawlgalo Mideysan oo cirka, dhulka iyo badda ah.

Mar wax laga weydiiyey Isqabqabsiga Hogaamadda Ciiddamadda waxa uu tilmaamay in Taliye kasta mas’uul ka yahay Hoggaanka Ciiddankiisa, isla markaana ay dhamaantooda hoos tagaan Taliyaha Ciiddanka XDS, Jeneral Indha-qarsho.

Dhinaca kale, Laba Xiddigle C/qaadir Maxamed Gacal waxa wax laga weydiiyey Hoggaanka ay hoos tagaan Ciiddanka Khaaska ee Danab, waxa uu xusya inay Ciiddankaasi qeyb ka yihiin Ciiddanka Dhulka, isla markaana ay Ciiddankaasi weligooda ka tirsanaayeen Ciiddanka Dhulka tan iyo markii la asaasay Ciiddanka XDS, 12-kii April ee sannadkii 1960-kii.

- Advertisement -

Ugu dambeyntii, Laba Xiddigle Gacal waxa uu rajo wanaagsan ka bixiyey inay Ciiddanka Dhulka ee XDS dardar gelin doonaan Hawlgalka lagula jiro Alshabaab, isla markaana uu Hoggaanka Sare dejinayo Istaraatijiyadda sida tooska ah lagu maamuli doono Ciiddanka Dhulka.

Si kastaba ha ahaatee, DFS waxay maanta sheegtay in Xilkii Abaanduulka Ciiddamadda meesha laga saaray, isla markaana Abaanduulaha, Jeneraal Odaw’aa Yuusuf Raage waxaa loo magacaabay Taliyaha Ciiddanka Dhulka ee XDS.

Hoos ka Dhageyso Wareysi laba Xidiglle Cabdiqaadir Maxamed Gacal oo dhameystiran.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories