HomeWararDuqa cusub ee Degmada Gaalkacyo oo Maanta la doortay

Duqa cusub ee Degmada Gaalkacyo oo Maanta la doortay

Date:

Related stories

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa Maanta waxaa lagu qabtay doorashada Duqa Degmada Gaalkacyo oo ay ku tartameen labo musharax. Duqa Degmada Gaalkacyo ayaa waxaa loo doortay inuu noqdo Saahid Maxamuud Cali Xaaji Sayn oo helay Codad gaaraya ilaa iyo 23 Cod. Sidoo kale Duqa Cusub ee Gaalkacyo ayaa waxaa doorashada kula tartamay Cabdiqani […]

- Advertisement -

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa Maanta waxaa lagu qabtay doorashada Duqa Degmada Gaalkacyo oo ay ku tartameen labo musharax.

Duqa Degmada Gaalkacyo ayaa waxaa loo doortay inuu noqdo Saahid Maxamuud Cali Xaaji Sayn oo helay Codad gaaraya ilaa iyo 23 Cod.

- Advertisement -

Sidoo kale Duqa Cusub ee Gaalkacyo ayaa waxaa doorashada kula tartamay Cabdiqani Diiriye Dhega-weyne,kaasi oo helay 7 Cod oo kaliya,waxaana halaabay 1 cod.

Goobta lagu dooranaaye Duqa Degmada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa goob joog ka ahaa 31 xubnood oo ka tirsan xildhibaanada Golaha Deegaanka,iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories