HomeWararJawaari oo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay la shaqeeyan Hay’adaha amniga DF

Jawaari oo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay la shaqeeyan Hay’adaha amniga DF

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa cambaareeyay qaraxii Al shabaab ay ka geysteen meel u dhow dhismaha Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee Soomaaliya, halkaasoo ay ku geeriyoodeen dad aan waxba galabsan oo uu ku jiro Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo Sidoo kale ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo Arrimaha bulshada.

“Innaa lillaa wa innaa ileehi raajicuun Allaha ha u naxriisto dhamaan dadkii ku geeriyooday falkaasi oo uu ku jiro wasiirkii ku Xigeenkii wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla, Naxriistii jano Allaha haka waraabiyo intii kale ee ku dhaawacantayna bogsiimo deg deg Allaha ha siiyo” ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

- Advertisement -

Waxa uu Sidoo kale ku amaanay Ciidamada amaanka qaranka sida ay usoo gaba gabeeyeen tiro ka tirsan Al-shabaab oo isku dayay in ay gudaha u galaan dhismaha wasaaradda, howlwadeenada wasaaradda iyo dadkii kale ee gudaha dhismaha ku jiray kuwaas oo ciidamada amaanka ay toogteen inta aysan gaarin dhagartii ay damacsanaayeen.

Ugu dambeyn Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan hay’adaha amaanka, si looga hortago dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories