HomeWararRuwanda oo xukun ku riday dad lagu eedeeyey inay xiriir la leeyihiin...

Ruwanda oo xukun ku riday dad lagu eedeeyey inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab iyo Daacish

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Maxkamadda Sare ee dalkaasi waxay shalay oo Jimco ahayd xukun ku riday 15-qof, kuwaasi oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Alshabaab iyo Daacish iyo inay taageero siiyaan. Eedeysanayaasha oo la soo taagay Maxkamad ku taalla  Gobalka Nayansa ee Koonfurta dalkaasi, waxay 13 ka mid ah dadkaasi ku xukuntay min 5 sanno, halka 2 kalena […]

- Advertisement -

Maxkamadda Sare ee dalkaasi waxay shalay oo Jimco ahayd xukun ku riday 15-qof, kuwaasi oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Alshabaab iyo Daacish iyo inay taageero siiyaan.

Eedeysanayaasha oo la soo taagay Maxkamad ku taalla  Gobalka Nayansa ee Koonfurta dalkaasi, waxay 13 ka mid ah dadkaasi ku xukuntay min 5 sanno, halka 2 kalena lagu xukumay xabsi 10-sanno, iyadoo 25 kalena la sii daayey.

- Advertisement -

Mid ka mid ah dadka la xukumay oo lagu magacaabo Salim Fundi waxaa lagu eedeeyey inuu ahaa Xiriiriyaha dadka ku sugan gudaha Ruwanda ee doonayey inay ku biiraan Daacish, sidaa waxaa yiri Garsoore Eugene Nadagijimanaoo isagu xukunka ku riday Eedeysanayaashaasi.

Sidoo kale, Eedeysanayaasha la xukumay waxaa ka mid ahaa 3 Haweene, oo 2 ka mid ah lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Casaimadda dalkaasi ee Kigaali, iyadoo ku sii jeeday dalka syrai si ay ugu biirto Kooxda Daacish, halka haweeneyda kale  lagu helay inay  Eedeysanayaasha ku taageerto 1,000 Dollar oo ay ku iibsadaan Tikidhada Duullimaadkooda.

Dhinaca kale, Boliska dalka Ruwanda waxay bishii Janaayo ee sannadkii 2016-kii  gacanta ku dhigeen 40 qof oo lala xiriirinayo Alshabaab iyo Daacish, waxayna qabashadooda xilligaasiku soo beegantay wax yar hal isbuuc, kadib, markii ay Boliska toogasho ku dileen Waddaad lagu magacaabi jirey

- Advertisement -

Maxamed Mugemangango, oo ay ku eedeeyeen inuu dhallinyarada dalkaasi ku dhiiri-gelin jirey inay ku biiraan Kooxaha Alshabaab iyo Daacish, waa sida hadalka loo dhigay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories