HomeWararIlhaan Omar oo si kulul u naqdisay Sacuudiga iyo Mareykanka

Ilhaan Omar oo si kulul u naqdisay Sacuudiga iyo Mareykanka

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Labada Haweenka Muslimka ee ka tirsan Kongareeska Maraykanka ee Ilhaan Cumar oo asal ahaan Somali ah iyo Rashida Talayba ee asal ahaan Falastiiniyad ah, waxay si kulul u dhaliileen Hubka ay Maraykanka siiyaan Sacuudiga ee loo adeegsanayo dagaalka ka socda dalka Yemen. Qoraal ay Ilhan Omar soo dhigtay barteeda Twitterka waxay ku sheegtay inay Sacuudiga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Labada Haweenka Muslimka ee ka tirsan Kongareeska Maraykanka ee Ilhaan Cumar oo asal ahaan Somali ah iyo Rashida Talayba ee asal ahaan Falastiiniyad ah, waxay si kulul u dhaliileen Hubka ay Maraykanka siiyaan Sacuudiga ee loo adeegsanayo dagaalka ka socda dalka Yemen.

Qoraal ay Ilhan Omar soo dhigtay barteeda Twitterka waxay ku sheegtay inay Sacuudiga had iyo jeer heerka ugu xun ku jiraan Tacadiyadda Xuquuqda Aadanaha ee Caalamka, isla markaana ay mas’uul ka yihiin  macluusha iyo cuddurka Koleeraha ee dadka Reer Yemen.

- Advertisement -

Waxay sii raacisay inay Sacuudiga weli yihiin kuwa ugu sarreeya ee iibsada hubka lagu farsameeyo Maraykanka, waxayna Ilhan Omar is-weydiisay sababaha uu Madaxweyne Donald Trump ula dhinac noqday kuwa hubka soo saara ee ka dhanka ah dadka u ololeeya Xuquuqda Aadanaha.

Hadalkeeda waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay Mudanayaasha Aqalka Senedka Maraykanka caawa yeelan doonaan Kulan ay kaga doodayaan Tacadiyadda ay Isbahaysiga Sacuudiga ka geystaan dalka Yemen iyo sidii loo joojin lahaa hubka laga iibiyo.

Bishii la soo dhaafay, Aqalka Senedka ee dalkaasi waxay u codeeyeen qaraar ku baaqay inay Maraykanka joojiyaan taageeradda dagaalka ee ay Isbahaysiga Sacuudiga ka siiyaan dagaalka Yemen.

- Advertisement -

Si kastaba ha  ahaatee, Sacuudiga waxay tan iyo sannadkii 2015-kii hoggaamiyeen Isbahaysi Carbeed oo ka dhan ah Maleeshiyadda Xuutiyiinta Yemen ee Iiraan taageerto.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts