HomeWararDil ka dhacay Xaafad ka tirsan Magaalada Baladweyne

Dil ka dhacay Xaafad ka tirsan Magaalada Baladweyne

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Wararka aan ka heleyno Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay Sarkaal  la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya. Dilkan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay Xaafadda Howlwadaag ee Baladweyne,is markaana rag ku hubeysnaa Bastoolado ay u geysteen Saraalka ka tirsanaa Ciidanka Xooga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay Sarkaal  la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya.

Dilkan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay Xaafadda Howlwadaag ee Baladweyne,is markaana rag ku hubeysnaa Bastoolado ay u geysteen Saraalka ka tirsanaa Ciidanka Xooga dalka ee ku sugan Magaaladaasi .

- Advertisement -

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray  Cumar Cabdi Mahad,iyadoo ragii ka dambeeyay dilkiisa goobta durbo ay ka baxsadeen,sida dad goobjoogayaal ah ay Dalsan u sheegeen.

Goobta uu falka ka dhacay ayaa waxaa la sheegay in ay gaareen Ciidamada dowlada Soomaaliya,waxaana halkaasi ay ka qaadeen Meydka.

Wararka ayaa intaas waxa ay ku darayaan in Ciidamada howlgal ay ka wadaan Xaafadda Howlwadaag ee Magaalada Baladweyne,isla markaana ay ku baadi goobayaan ragii ka dambeeyay dilkii loo geystay Cumar Cabdi Mahad oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Xooga dalka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts