HomeWararDuuliyihii u dhashay dalka Hindiya oo la sii dayn doono.

Duuliyihii u dhashay dalka Hindiya oo la sii dayn doono.

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Ra’isul-wasaaraha Pakistan, Cimraan Khaan ayaa sheegay in Duuliyahaasi oo lagu magacaabo Abhinandan Varthaman la sii dayn doono berrito oo Jimco ah, si loo muujiyo calaamad nabad ah.

Ra’isul-wasaare Khaan waxa uu hadalkaasi ka sheegay Fadhi ay Mudanayaasha Barlamaanka dalkiisa maanta ku yeesheen magaalladda Islamabaad, wuxuuna xusay inuu xalay ku guul-daraystay isku-day uu ku doonayey inuu Khadka Telefoonka kula hadlo dhigiisa dalka Hindiya, Narenda Moodi, si uu ugu muujiyo inay Pakistan doonayso Nabad, oo aysan doonaynin nooc kasta oo colaadeed.

- Advertisement -

Dhinaca kale,  Telefishinka NDTV waxa uu maanta baahiyey inaysan Dowladda Hindiya wax wada-xaajood ah ka geli doonin Duuliyaha ay Pakistan gacanta ku hayaan, loona baahan yahay inay shuruud la’aan ku sii daayaan Duuliyahaasi.

 

- Advertisement -

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories