HomeWararSawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo Shir la yeeshay Madax ka qeyb galeysa shirka ka...

Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo Shir la yeeshay Madax ka qeyb galeysa shirka ka furmay Sharma Sheekh

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaala Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb-galay Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Jaamacadda Carabta oo ka furmay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar. Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Jaamacadda Carabta oo markiisii ugu horreysay taariikhda la qabanayo ayaa waxa xoogga lagu saarayaa sare u qaadidda iskaashiga u dhexeeya dalalka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaala Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb-galay Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Jaamacadda Carabta oo ka furmay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar.

Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Jaamacadda Carabta oo markiisii ugu horreysay taariikhda la qabanayo ayaa waxa xoogga lagu saarayaa sare u qaadidda iskaashiga u dhexeeya dalalka Yurub iyo kuwa Carabta, xallinta caqabadaha ay wadaagaan iyo in laga hawlgalo sidii xasilooni buuxda looga suurtagelin lahaa dalalka Carbeed ee ay amni darradu ka jirto.

- Advertisement -

Madaxweyne Farmaajo ayaa Shir-doceedyo la yeeshay Madaxweynaha dalka Ciraaq Mudane Barham Salih, Ra’iisul Wasaaraha dalka Sweden Mudane Stefan Löfven iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Mudane Giuseppe Conte.

Madaxweynaha iyo dhiggiisa dalka Ciraaq Mudane Barham Salih ayaa kulankooda ku lafo-guray xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka waxa loogu yeero argagaxisada, sare u qaadidda ganacsiga labada dal iyo sidii deeqo waxbarasho loogu suurtagelin lahaa ardayda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Madaxweynaha dalka Ciraaq kala hadlay cafinta deynta ay Dowladda Ciraaq ku leedahay Soomaaliya.

- Advertisement -

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Sweden Mudane Stefan Löfven ayaa ka wada hadlay adkeynta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo sidii Sweden ay Soomaaliya uga taageeri lahayd dhisidda iyo tayeynta hay’adaha dowladda.

Madaxweyne Farmaajo oo shir-doceed la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga ayaa kala hadlay xiriirka soojireenka ah ee labada waddan, isaga oo Dowladda Talyaaniga ka codsaday inay door weyn ka qaadato dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida, tayeynta waxbarashada iyo hirgelinta dugsiyo farsamo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts