HomeCaalamkaDenmark oo sheegtay in Muhaajiriinta lagu gacan-sayro codsiyadooda loo gudbin doono…

Denmark oo sheegtay in Muhaajiriinta lagu gacan-sayro codsiyadooda loo gudbin doono…

Date:

Related stories

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...
- Advertisement -

Baarlamaanka dalkaasi waxa uu ansixiyey Sharci Cusub oo Jesiirad Shaybaar u ahayd Doofaarka laga dhigo Xarun lagu hayo Muhaajiriinta Dembiyadda gala iyo kuwa diidan in  dib loogu celiyo dalkooda hooyo.

Sharcigaasi waxa uu Muhaajiriinta uga digaya in loo gudbin doono Jesiiradda  Lindholom  ee horey u ahayd Shaybaar lagu baaro cudduradda ku dhaca Doofaarka, haddii ay Dembi ku galaan gudaha dalka Denmark ama ay diidaan in  loo masaafuriyo dalkooda Hooyo.

- Advertisement -

Isbedelka Sharciga Cusub ee Qaxootiga ee dalkaasi waxaa muddo dheer u ololeynayey Xisbiga Dadka Danishka ee (DF), waxayna soo dhaweeyeen Sharciga Cusub ee fasaxaya in Muhaajiriinta dembiyadda gala iyo kuwa diidan in dalkooda lagu celiyo lagu hayo Jesiiradda  Lindholom oo horey u ahayd Saldhig Cilmi-baarista cudduradda ku dhaca Doofaarka.

Wasiirka Maaliyadda ee dalka Denmark, Kiristiaan Jensen  waxay faahfaahin dheeraad ah ka bixisay in Jesiiradaasi loo isticmaalo Guriyeynta dadka  la masaafurinayo, waxayna xustay inay jiraan xadidaada badan oo lagula socon karo Muhajairiinta loo gudbiyo Jesiiradda  Lindholom.

Sharciga Cusub ee ay Mudanayaasha Barlamaanka Denmark ansixiyeen waxa uu meesha ka saari doonaa inay Muhaajiriin cusub si fudud isaga dhiibaan dalkaasi, taasi oo la micno ah inay Dowladda Denmark adkeysay Sharciga Magangelyo-doonka ee dalkaasi .

- Advertisement -

Bishii December ee sannadkii hore, Haweeneyda Wasiirka Socdaalka ee dalka Denmark, Inger  Støjberg waxay  la hadashay Mujtamaca Soomaalida ee ku nool dalkaasi, iyadoo sheegtay inay dib ugu laabtaan dalkodoa hooyo, kana qeyb galaan Dib-u-dhiska dalka ay asal ahaan ka yimaadeen.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories