HomeWararKolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM oo qarax lala eegtay

Kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM oo qarax lala eegtay

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe qarax lagula eegtay kolonyo ay la socdeen Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM. Kolonyadaan ayaa xili ay marayeen deegaanka Ilbaq ee  ku yaalla inta u dhexeeysa Magaalada Jowhar iyo Degmada Balcad,waxaana lala eegtay Miinada dhulka lagu aaso,waxaana dad ka Agdhawaa halkaasi ay sheegeen in […]

- Advertisement -

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe qarax lagula eegtay kolonyo ay la socdeen Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Kolonyadaan ayaa xili ay marayeen deegaanka Ilbaq ee  ku yaalla inta u dhexeeysa Magaalada Jowhar iyo Degmada Balcad,waxaana lala eegtay Miinada dhulka lagu aaso,waxaana dad ka Agdhawaa halkaasi ay sheegeen in ay haleeshay mid kamid ah Kolonyadii Ciidamada AMISOM.

- Advertisement -

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Khasaaro uu ka dhashay qaraxaas,balse aan la cadeyn karin maadaama goobta ay tahay Dhul howd ah oo isku-socodka dadka iyo gaadiidka ay ku yaryihiin.

Ciidamada AMIOSM ee la qarxiyay ayaa waxaa la sheegay in ay kusii jeedeen Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle ,iyadoona qaraxa kadib ay fureen  rasaas xoogan,waxaana halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Xooga dalka.

Mas’uuliyiinta Degmada Balcad iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM inta weli kama hadlin qaraxaasi.

- Advertisement -

 

 

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories