HomeWararMareykanka oo qorsheynaya Waddo Sahayda u soo marto Ciiddankiisa ku sugan Saldhigga...

Mareykanka oo qorsheynaya Waddo Sahayda u soo marto Ciiddankiisa ku sugan Saldhigga Balli-doogle

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Waaxda Difaaca Maraykanka ayaa la sheegay inay wadaan wejiga koowaad  Mashruuc ay ku horumarinayo waddo-dhulka oo ay Sahayda u soo maraan  oo isku xirta Saldhigoodfa weyn ee ku yaalla dalka Jabuuti iyo Saldhigyadda kale ee ay Milliteriga Maraykanka ku leeyihiin Dalalka Bariga Afrika. Saraakiisha Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka iyo Qandaraaslayaasha ayaa sheegay in Wejiga Koowaad ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waaxda Difaaca Maraykanka ayaa la sheegay inay wadaan wejiga koowaad  Mashruuc ay ku horumarinayo waddo-dhulka oo ay Sahayda u soo maraan  oo isku xirta Saldhigoodfa weyn ee ku yaalla dalka Jabuuti iyo Saldhigyadda kale ee ay Milliteriga Maraykanka ku leeyihiin Dalalka Bariga Afrika.

Saraakiisha Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka iyo Qandaraaslayaasha ayaa sheegay in Wejiga Koowaad ee Mashruucaasiisku xiri doono Xeradda KAAM  LEMONIYEER ee dalka Jabuuti ilaa Saldhigga Diyaaradaha Balli-doogle ee Gobalka Sh/hoose ee dalka Somalia.

- Advertisement -

Qorshaha Mashruucaasi ayaa la sheegay in waddo la soo dhex marsiinayo Deegaanadda ay kala maamulaan DFS, Alshabaab iyo Dagaal-oogayaasha leh Maleeshiyadda Gaarka iyo dhulka xuduudka ee kaabiga ku haya dalka Ethiopia, ayaa lagu yiri hadalka ka soo baxay Waaxda Difaaca ee Maraykanka.

Mashruucan Joogitanaka Milliteriga Maraykanka ee Gobalkan Geeska Afrika ayaa u muuqda mid qeyb ka ah isballaarinta ay Maraykanka kaga hor tagayaan inay Shiimaha kaga saamayn badnaadaan dalalka Mandiqadda iyo guud ahaan Galaangalkooda guud ee Qaaradda Afrika.

Si kastaba ha ahaate,  Kolonyadda Milliteriga Maraykanka iyo saaxiibadooda ka hawl-gala Somalia  waxay hada iyo jeer maraan dhul ay khatartiisu sarreyso, iyadoo ay Alshabaab kala kulmaan weeraro, jid-gal iyo qaraxyo ay la beegsadaan Kolonyadda Ciiddamadda Shisheeyaha iyo kuwa DFS ee isticmaala Deegaanadda ay Alshabaab maamulaan.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, marka ay Ciiddamadaasi doonayaan inay ka ambabaxaan Muqdisho waxay raacaan gaadiidka gaashaaman, xitaa haddii ay doonayaan Deegaano aad u dhow.

Milliteriga Maraykanka ee ku sugan Muqdisho waxay had iyo jeer Diyaarado Helikoptar ah ku tagaan Saldhigga Balli-doogle oo 60 mayl u jirta Graoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cadde ee magaalladdan Muqdisho.

 

Xigasho: Foreign Policy

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts