HomeWararDowlada oo shaacisay Magacyada Saraakiil Ajaanibta Shabaab ah oo la dilay

Dowlada oo shaacisay Magacyada Saraakiil Ajaanibta Shabaab ah oo la dilay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo taageero ka helayo kuwa Mareykan ah ayaa Howlgalo qorsheysan ka fuliyay degaano ka tirsan Gobolka Shabellada Hoose. Ciidamada Danab iyo Ciidamada Mareykanka ayaa Howlgalka ka fuliyay degaanada Baladul Amiin iyo Hanti wadaag oo ka mid ah degaanada hoostaga degmada Janaale ee G/Shabellada Hoose. Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo taageero ka helayo kuwa Mareykan ah ayaa Howlgalo qorsheysan ka fuliyay degaano ka tirsan Gobolka Shabellada Hoose.

Ciidamada Danab iyo Ciidamada Mareykanka ayaa Howlgalka ka fuliyay degaanada Baladul Amiin iyo Hanti wadaag oo ka mid ah degaanada hoostaga degmada Janaale ee G/Shabellada Hoose.

- Advertisement -

Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka Sida ayaa sheegay in Howlgalada si wadajir ah looga fuliyay Saldhigyo Al-shabaab ay ku lahayeen degaanada Baladul Amiin iyo Hanti wadaag oo ka wada tirsan G/Shabeellada Hoose.

Saraakiisha Danab ayaa tilmaamay in Saldhigyada laga fuliyay Howlgalka lagu bartilmaameysaday Xubno sare oo ka tirsan Al-shabaab.

Ku dhawaad 85 dagaalamayaal ah iyo Saraakiil isugu jira Soomaali iyo Ajaanib ayaa lagu dilay howlgaladii ugu dambeeyey oo ay ciidamadu ka fuliyeen deegaano kala duwan oo Alshabaab saldhigyo ku lahaayeen.

- Advertisement -

Saraakiisha Kumaandooska Soomaaliya waxa ay Idaacadda Ciidamada qalabka Sida u sheegeen Magacyada Saraakiishaas lagu dilay weerarka iyo Dalalka ay u dhasheen.

Saraakiisha lagu dilay weerarka Howlgalka ayaa Magacyadooda lagu kala sheegay Abuu Xamsa Bin Shaam kasoo jeeda dalka Masar kaasi oo Nabadiidka u qaabilsanaa Tababarada Maleyshiyada, Aweys Abu Xamza Almifsali oo  heesta dhalashada dalka Tanzania , Abuu Bilaal Zubeyr ayaa heesta Dhalashada Mauritania  ayaa Hore u ahaa ku xigeenka Ibraahim Afgaan, Aadan Abuu musiyaan kasoo jeeda dalka Suuriya iyo Feysal Bin hayaan kasoo jeeda dalka Yaman.

Saraakiisha Danab ayaa ugu dambeynti sheegay in goobta weerarka laga fuliyay ay eheed Saldhigyo lagu tababaro dagaalamayasha ka mid noqonaya Al-shabaab.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts