HomeWararSawirro:-Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo waxgaradka Cadaado oo ka wada hadlay dagaal beeleedyada

Sawirro:-Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo waxgaradka Cadaado oo ka wada hadlay dagaal beeleedyada

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Odayaasha iyo waxgaradka magaalada Cadaado ayaa marti qaad u sameeyay maanta wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdiga Nabadeed ee uu hoggaaminayo oo waayahaan ku sugnaa Gal-mudug si ay u joojiyaan dagaallo dhex maray beelo walaala ah. Wasiika arrimaha gudaha  XFS ayaa odayaasha Cadaado ee Marti qaadka  […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Odayaasha iyo waxgaradka magaalada Cadaado ayaa marti qaad u sameeyay maanta wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdiga Nabadeed ee uu hoggaaminayo oo waayahaan ku sugnaa Gal-mudug si ay u joojiyaan dagaallo dhex maray beelo walaala ah.

Wasiika arrimaha gudaha  XFS ayaa odayaasha Cadaado ee Marti qaadka  ugu sameeyay duleedka magaalada Cadaado ee xarunta baarlamaanka Gal-mudug, waxa uu ka codsaday in ay kala shaqeeyaan ka guul gaaridda dadaallada nabadda ee isaga wafdiga uu hoggaaminayo ay ku joogaan Gal-mudug.

- Advertisement -

Wasiirka ayaa sheegay in wafdiga uu hoggaaminayo ay baaqi kusii ahaanayaan  deeganada Gal-mudug inta laga dhammaynayo colaadaha ka jira deegaanka ee ay isku dilayaan beelaha walaalaha ah.

Wasiir Sabriye ayaa sheegay in marka ay soo af-jaraan colaadaha deegaannada Gal-mudug ee ay xallintooda ku jiraan in ay usoo jeesanayaan xal ka gaaridda is-faham waaga siyaasadeed ee u dhexeeya hoggaanka maamulka Gal-mudug.

Wafdiga uu hoggaaminayo wasiirka arimaha gudaha, federaalka  iyo dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Sabriye ayaa waxaa qayb ka ah Wasiiru Dowlaha Hawlaha Guud iyo Guryeynta, Ahmed Abdi Kariye (Qoor-Qoor), wasiir ku-xigeenka wasaaradda xanaanada xoolaha,  xildhibaan Cabdi kariim Khaliif iyo Taliyahii hore ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod).

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts