HomeWararSawirro:-Xukumadda Somalia oo amar dul-dhigtay Gaadiidka ka howlgalla Muqdisho

Sawirro:-Xukumadda Somalia oo amar dul-dhigtay Gaadiidka ka howlgalla Muqdisho

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in gaari aan buuxinin xeerka ku dhaqanka sharciga Gaadiidka dhulka uusan ka howlgali karin gudaha magaalada Muqdisho.

Mashruucaan tijaabada badqabka  Gaadiidka dhulka ayaa loogu talagalay in looga hortago dhibaatooyinka shilalka Gaadiidka, si loo yareeyo qasaaraha ku yimaado hantida iyo nafta Dadka Soomaaliyeed, taasi oo ay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ay ugu gogol xaareyso ku dhaqanka xeerka Sharciga gadiidka dhulka.

Gadiidka ayaa isugu jira Gawaarida xamuulka ee ka shaqeeya gudaha Magaalada iyo kuwa yar yar, waxaana meel la isla dhigay in ay laga maarmaan tahay hubinta tayada gaadiidka iyo in ay u dhameystiran yihiin sharciyada looga baahnayahay sida uu sheegay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gadiidka Mudane Cali Gacal Gaaboow.

Maxamed Kulmiye Axmed waa Qabiir ku xeel dheer Gadiidka iyo dhulka waxaa uu ka hadlay sida ku haboon ee looga hortagi karo ciladaha ku yimaada gawaarida isla markaana loo baahanyahay in tijaabo la mariyo gadiidka ka howlgala gudaha Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Omaar)  ayaa sheegay in laga bilaabo maanta Gaadiidka ay mari doonaan tijaabo, si loo dhaqan geliyana  loo bahanyahay in ay u hoggaansamaan sharciga.

“Gaari aan buuxinin xeerka ku dhaqanka sharciga gaadiidka dhulka kama howlgeli doono Muqdisho” ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka.

Waxaa kaloo Wasaaraddu sheegtay  in tababaro loo qaban doono shaqaalaha Guddiga Gaadiidleyda iyo Ciidamada Nabad gelyada Wadooyinka, si loo ilaaliya nafta iyo maalka Shacabka Soomaaliyeed.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories