HomeCaalamkaSawirro:-Diyaarad rakaab oo ku dhacday badda dalka Micronesia

Sawirro:-Diyaarad rakaab oo ku dhacday badda dalka Micronesia

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Diyaarad xamuul ayaa ku dhacday badda dalka Micronesia, sida ay sheegeen masuuliyiinta garoonka diyaaradaha ee Chuuk International Airport.

Sawirro laga qaaday ayaa muujinaya diyaaradda shirkadda Air Niugini oo ku jirta biyaha badda, diyaaradaas waxaa laga leeyahay dalka Papua New Guinea.

- Advertisement -

Soddon iyo shan ruux oo rakaab ahayd iyo 12 ruux oo ka shaqaynaysay diyaaradda duulimaadka ee lambarkeedu ahaa ANG73, midkoodna dhaawac halis ah ma gaarin.

Ma cadda waxa sababay in diyaaraddu dhacdo, balse baaritaan arrintaas ku saabsan ayaa si dhakhso ah loo billaabi doonaa.

Diyaaradda ayaa ka dhacday qaw 160 yaardi u jira waddada ay diyaaraddu ku oroddo ee garoonka sida uu BBC-da u sheegay Jimmy Emilio oo ah agaasimaha garoonka diyaardaha ee Chuuk airport.

- Advertisement -

“Xaqiiqatan hadda ma ogin waxa dhacay. Baaritaannaduna sabaxii ayay bilaaban doonaan, balse hadda, garoonka ayaa billaabaya duulimaadyadii caadiga ahaa”.

Diyaaradda ayaa ka dhacday qaw 160 yaardi u jira waddada ay diyaaraddu ku oroddo ee garoonka sida uu BBC-da u sheegay Jimmy Emilio oo ah agaasimaha garoonka diyaardaha ee Chuuk airport.

“Xaqiiqatan hadda ma ogin waxa dhacay. Baaritaannaduna sabaxii ayay bilaaban doonaan, balse hadda, garoonka ayaa billaabaya duulimaadyadii caadiga ahaa”.

Diyaaradda ayaa ka duushay jasiiradda Pohnpei ee dalka Micronesia waxayna ku sii jeeday Port Moresby oo ah caasimadda dalka Papua New Guinea, waxayse ku sii hakanaysay jasiiradda Weno oo dalka Micronesia ku taalla.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories