HomeWararXOG:-Madaxweyne Waare oo qorsheynaya Isku-Shaandheyn Golihiisa Wasiirada

XOG:-Madaxweyne Waare oo qorsheynaya Isku-Shaandheyn Golihiisa Wasiirada

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Warar ay heshay Idaacadda Dalsan ee Magalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare uu maalmaha soo socdo uu qorsheynayo Isku-Shaandeyn uu ku sameynayo Golihiisa Wasiirada. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa socday olole ka dhan ah oo ay wadaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle,kuwaas oo dhaliilsan Madaxweyne Waare qaarkoodna […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar ay heshay Idaacadda Dalsan ee Magalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare uu maalmaha soo socdo uu qorsheynayo Isku-Shaandeyn uu ku sameynayo Golihiisa Wasiirada.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa socday olole ka dhan ah oo ay wadaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle,kuwaas oo dhaliilsan Madaxweyne Waare qaarkoodna ay sheegayeen inay mooshin xilka qaadis ah ay ka geynayaan.

- Advertisement -

Hayeeshee si uu culeyska Siyaasadeed ee saaran Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu isaga yareeyo uu doonayo in xildhibaanada qaarkood ku soo daro Golihiisa Wasiirada,isla markaana uu diyaariyey Warqadii uu isugu Shaandheyn lahaa Wasiiradiisa.

Wararka kale ay heleyso Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in Xildhibaanada qaarkood iyo Odayaasha Dhaqanka Hir-Shabeelle ay ka soo horjeedaan inuu sameeyo Isku-Shaandheyn,isla markaana ay saareen culeys Siyaasadeed.

Weli macada sida uu ka yeeli doono Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare maadaama maalmihii la soo dhaafay xildhibaanada qaarkood ay ku kacsanaayeen halka qaarkood ay ugu baaqeen inuu iska casilo xilka Madaxweynenimo.

- Advertisement -

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa tan iyo markii la dhisay waxaa hareeyey khilaafyo Siyaasadeed oo sababay inay Xildhibaanada Maamulkaas xilkii ka qaadeen madaxweynihii ugu horeeyey ee Maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble halka Maxamed Cabdi Waare oo hadda ah Madaxweynaha Hir-Shabeelle ay ku kacsan yihiin.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts