HomeCaalamkaAbiy Axmed''Waan kula xisaabtameynaa Cabdi Maxamuud Cumar dambiyadii uu galay''

Abiy Axmed”Waan kula xisaabtameynaa Cabdi Maxamuud Cumar dambiyadii uu galay”

Date:

Related stories

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo xalay kulan la qaatay saxaafadda maxaliga ee waddanka Itoobiya ayaa ka warbixiyay arrimo dhowr ah oo imika ka tagaan dalka Itoobiya. Abiy Axmed wuxuu sheegay in hubka laga dhigi doono ururrada dhawaan gogosha nabadeed ay dowladda Itoobiya u fidisay islamarkaasna laan u qaabilsan arrintaasi la yagleeli doono. Wuxuuna ugu […]

- Advertisement -

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo xalay kulan la qaatay saxaafadda maxaliga ee waddanka Itoobiya ayaa ka warbixiyay arrimo dhowr ah oo imika ka tagaan dalka Itoobiya.

Abiy Axmed wuxuu sheegay in hubka laga dhigi doono ururrada dhawaan gogosha nabadeed ay dowladda Itoobiya u fidisay islamarkaasna laan u qaabilsan arrintaasi la yagleeli doono.

- Advertisement -

Wuxuuna ugu baaqay ururradaasi inay ku dagalamaan qalinka iyo fikradaha ay qabaan.

Mar wax laga weyddiyay Abiy Axmed, waxaa laga yeelayo mustaqbalka madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar wuxuu sheegay in arrintiisa ay u taallo sharciga iyo caddaalada dalka Itoobiya.

Waxaan ka war sugaynaa wixii caddaaladda ay ka tiraahdo iyo waxa uu mudan doono Cabdi Maxamuud Cumar iyo mas’uuliyiinti dhibaatada gaystay”

- Advertisement -

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya wuxuu sidoo kale sheegay in luqadaha maxalliga laga dhigi karo luqadaha ugu waawayn ee Itoobiya looga hadlo sii loo helo jiil afaf badan barta.

Sidoo kale, waxaa wax laga weydiyay ra’iisul wasaaraha, hadal baryahan laisla dhexmarayay oo ahaa inuu xanuunsanday markii uu joogay Mareykanka, wuxuuna ku jawaabay ” Aniga maba ihii dadka isticmaala dawooyinka mana soo gato dawo, waxaan aaminsanahay jimicsi iyo sporti”

Ugu dambayn, Abiy Axmed wuxuu sheegay in dhibaato ay ka jirto xadadka maamulada dalka Itoobiya islamarkaasna guddi uu hoggaaminaya ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalkaasi uu u xilsaaray ka shaqaynta dejinta xaaladaha ammaanka ee deegannada xadka.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories