HomeCaalamkaSawirro:-Dowladda Britain oo ka digtay in Ciiddanka AMISOM laga saaro Somalia

Sawirro:-Dowladda Britain oo ka digtay in Ciiddanka AMISOM laga saaro Somalia

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Xoghayaha Dowladda Britain ugu qaabilsan Gaashaandhigga, Gavin Williamson ayaa sheegay in bixitaan noocaasi ah uu waxyeello ku noqonayo Guulihii ay horey u gaareen AMISOM, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu aad u  bogaadiyey horumarka laga sameeyey Ammaanka Somalia,  balse waxa uu ka digay haddii ay Ciiddanka AMISOM baxaan xilli hore inay taasi waxyeello xooggan ku noqonayso guulihii horey loo gaaray.

- Advertisement -

Xoghayaha Difaaca ee dalka Britain, Gavin Williamson waxa uu tilmaamay inay si xooggan u hubinayaan inaan la qaadin tallaabo ay AMISOM kaga baxayaan Somalia , tan iyo inta ay Ciiddanka  Somalia  ka yeelanayaan Awood ay kula wareegi karaan mas’uulliyadda Ammaanka dalkooda.

Waxa uu intaasi ku daray inay Somali wajihi karto khatar weyn, haddii  AMISOM laga saaro Somalia.

Hadalkaasai ayuu sheegay wax yar kadib, markii uu maalmo ka hor uu magaalladda Muqdisho kula kulmay Taliyaha Guud ee AMISOM, Ku-xigeenkiisa iyo Saraakiil sarsare oo ka tirsan AMISOM.

- Advertisement -

Dhinaca kale,  Xoghayaha Dowladda Britain ugu qaabilsan Gaashaandhigga, Gavin Williamson waxa uu sheegay inay dowladiisa ka go’an tahay inay Taageero dheeraad ah siiyaan Ciiddanka Qaranka Somalia, si loo xoojiyo Awoodooda Ciiddan.

Waxa kale oo uu tilmamaay inay doonayaan inay hubiyaan inay DFS leedahay Awooddaha muhiimka iyo Kheyraadka si ay Ciiddamo Ammaanka u geeyaan Xuduudaha Somalia.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories