HomeCaalamka(MUUQAAL): Jarmalka oo lagu xiray Diplomaasi Iiraani oo abaabulayey weerar qarax.

(MUUQAAL): Jarmalka oo lagu xiray Diplomaasi Iiraani oo abaabulayey weerar qarax.

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Diplomaasiga oo lagu magacaabo Asdollah Assadi iyo 6 kale ayaa la sheegay in lagu xiray dalka Jarmalka, isagoo lagu eedeeyey qorshe lagu qarxin lahaa Kulan sannadeed ay Kooxda Mucaaradka ku  ah Dowladda Iiraan ee NCRI ku yeelan lahaayeen  caasimadda dalka Faransiiska ee Paris. Kulankaasi waxaa ka soo qeyb geli lahaa Qareenka Khaaska ee Madaxweynaha Maraykanka […]

- Advertisement -

Diplomaasiga oo lagu magacaabo Asdollah Assadi iyo 6 kale ayaa la sheegay in lagu xiray dalka Jarmalka, isagoo lagu eedeeyey qorshe lagu qarxin lahaa Kulan sannadeed ay Kooxda Mucaaradka ku  ah Dowladda Iiraan ee NCRI ku yeelan lahaayeen  caasimadda dalka Faransiiska ee Paris.

Kulankaasi waxaa ka soo qeyb geli lahaa Qareenka Khaaska ee Madaxweynaha Maraykanka oo lagu magacaabo Rudy Giuliani iyo dhow Wasiiro hore oo Carbeed iyo kuwo European ah.

- Advertisement -

Dowladda Iiraan waxay beenisay Eedeyntaasi, kuna sheegtay mid aysan wax ka jirin, waxayna ku baaqday in la sii daayo Diplomaasiga la xiray.

Dhinaca kale, Sirdoonka dalka Belgium waxay gacanta ku dhigeen 2 nin oo u dhalatay Iiraan, kuweaasi oo la sheegay inay haysteen 500 oo Garaam ee Kiimikada TATP oo si fudud looga samayn karo Bambooyinka nooca guryo-ku-samaynta ah.

Kooxda hubeysan ee Muhaajiriin Qalaq ee ku kacsan Dowladda Iiraan waxay Bartooda Websaytka english.mojahedin.org ku soo bandhigeen in Diplomaasiga la xiray uu ka md ahaa Diplomaasiyiinta Iiraan ee ku sugan caasimadda dalka Austria ee Vienna.

- Advertisement -

Mucaaradka waxay sheegeen inuu Asdollah Assadi  abaaulayey weerarkii la qorsheynayey in lala beegsado Kulanka Mucaaradka Iiraan ku yeelan doonaan magaalladda Paris.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories