HomeCaalamkaDowladda Turkiga oo ansixisay Heshiis Is-faham oo ay DFS la gaareen.

Dowladda Turkiga oo ansixisay Heshiis Is-faham oo ay DFS la gaareen.

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Dowladda Turkiga waxay hadalkaasi ku sheegtay qoraal shalay lagu soo daabacay Faafinta Rasmiga ee dalkaasi, waxayna Dowladda Turkiga si rasmi ah u oggolaatay  Heshiiska Is-fahamka (MoU) ee ay DFS la gaareen bartamihii bishan June, kaasi oo ku adaanaa inay Labada Dowladood iska kaashadaan Kalluumeysiga iyo beerista Kalluunka (cooperation in fishing and fish farming). Heshiiska Is-fahamka […]

- Advertisement -

Dowladda Turkiga waxay hadalkaasi ku sheegtay qoraal shalay lagu soo daabacay Faafinta Rasmiga ee dalkaasi, waxayna Dowladda Turkiga si rasmi ah u oggolaatay  Heshiiska Is-fahamka (MoU) ee ay DFS la gaareen bartamihii bishan June, kaasi oo ku adaanaa inay Labada Dowladood iska kaashadaan Kalluumeysiga iyo beerista Kalluunka (cooperation in fishing and fish farming).

Heshiiska Is-fahamka ee labadooda Dowladood waxa uu dhigayaa inay Somalia iyo Turkiga iska kaashan doonaan Khayraadka Badda Somalia, iyadoo la muujinayo Mas’uuliyad Khaas ah iyo inay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee DFS awood u leedahay inay u fasaxdo  Doonyaha iyo Maraakiibta Kalluumeysiga ee Turkiga inay ka kalluumeysan karaa Xuduud-baddeedka Somalia.

- Advertisement -

Heshiiska waxa kale oo uu dhigayaa in ay Labada Dowladood hagaajiyaan Nidaamka lagula soconayo Kalluumeysiga.

Qoraalka ka soo baxay Dowladda Turkiga waxaa kaloo lagu sheegay in la samayn doono Guddi Wadajira ee Kalluumeysiga Labada Waddan, kwuaasi oo la filayo inay Kulankooda ugu horreeya bisha Janaayo ee sannadka soo socda ku yeeshaan Caasimadda dalka Turkiga ee Ankara.

Xigasho: Anadolu News Agency (AA)

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories