HomeCaalamkaFaahfaahin: Yuhuudda oo weerartay Diyaarad laga lahaa Iiraan oo shixnad ku dejinaysay...

Faahfaahin: Yuhuudda oo weerartay Diyaarad laga lahaa Iiraan oo shixnad ku dejinaysay Garoonka Dimishiq.

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Wakaalladda Wararka Jarmalka ee DPA ayaa soo werisay inay  Milliteriga Yuhuudda 2 Gantaal la beegsadeen Diyaarad Xamuul oo laga leeyahay Iiraan, oo xilligaasi ku sugnayd  Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Caasimadda dalka Syria ee Dimishiq. Ilo ka tirsan Kooxaha Mucaaradka Syria waxay u sheegeen Wakaalladda Wararka DPA  inay Yuhuudda ay saqdii dhexe ee xalay 2 […]

- Advertisement -

Wakaalladda Wararka Jarmalka ee DPA ayaa soo werisay inay  Milliteriga Yuhuudda 2 Gantaal la beegsadeen Diyaarad Xamuul oo laga leeyahay Iiraan, oo xilligaasi ku sugnayd  Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Caasimadda dalka Syria ee Dimishiq.

Ilo ka tirsan Kooxaha Mucaaradka Syria waxay u sheegeen Wakaalladda Wararka DPA  inay Yuhuudda ay saqdii dhexe ee xalay 2 Gantaal ku duqeeyeen Dimishiq, oo lala maagnaa Diyaaradda Xamuulka Iiraan ee rarka looga dejinayey  Garoonka Dimishiq.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka Faransiiska ee AFP oo la xiriirtay Afhayeenka Milliteriga Yuhuudda waxa u tilmaamay inuusan ka hadli Karin Wararka la xiriira Duqeyntaasi oo ay Shisheeyaha soo tebiyeen.

Mar sii horreysay, Kooxda La-socodka Xaalladaha dalka Syria waxay xaqiijiyeen inay Gantaaladaasi ku dhaceen Bakhaar Hub oo ku yaalla meel aad ugu dhow Garoonka Diyaaradaha ee Dimishiq

Bakhaarkaasi ayaa la shegay inay laheeyeen Maleeshiyada Ururka Xisbullaahi Lubnaan ee qeybta ka ah Isbahaysiga taageera Dowladda Syria.

- Advertisement -

Sawiro la soo dhigay Baraha Bulshadda ayaa muujinaya Iftiin wada hareeyey Dimishiq, kadib, markii ay duqeyntaasi ku soo dhaceen meel ku dhow Garoonka Diyaaradaha Dimishiq.

Xigasho: DPA & AFP

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories