HomeCaalamkaHaweeney Somali-Maraykan ka tirsan Boliska dalkaasi oo is-casishay

Haweeney Somali-Maraykan ka tirsan Boliska dalkaasi oo is-casishay

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Sahra Muunye Abu oo ah Haweeneydii ugu horreeysay oo Somali ah ee ka mid noqota Waaxda Boliska ee magaalladda Portland ee Gobalka Massachusetts ee dalka Maraykanka ayaa la sheegay inay is-casishay. Wargeyska Press Herald iyo Warbaahino kale oo Maraykan ah ayaa qoray inay Sarkaaladaasi is-casishay maalintii Axadda ee la soo dhaafay, kadib, markii lagu soo […]

- Advertisement -

Sahra Muunye Abu oo ah Haweeneydii ugu horreeysay oo Somali ah ee ka mid noqota Waaxda Boliska ee magaalladda Portland ee Gobalka Massachusetts ee dalka Maraykanka ayaa la sheegay inay is-casishay.

Wargeyska Press Herald iyo Warbaahino kale oo Maraykan ah ayaa qoray inay Sarkaaladaasi is-casishay maalintii Axadda ee la soo dhaafay, kadib, markii lagu soo oogay Khilaaf, Amar-diido aan haboonayn iyo dagaal ay geysatay.

- Advertisement -

Is-casilaadda Sarkaaladaasi waxa u uku soo beegmay ka hor intaysan Boliska Portland soo dhamanystirin baaritaanka Arrimaha Gudaha ee Kiiska lagu soo oogay.

Sahra Muunye Abu waxaa la xiray bishii Janayao 13-dii ee sannadkan, kadib, markii lagu so ooogay inay rabshad ka geysatay dhismo lagu caweeyo oo ku taalla magaalladda  Worcester oo 64-KM galbeed kaga toosan magaalladda Boston.

Wargeyska Press Herald waxa uu qoray inay Sarkaalladda horey u sheegtay inaysan gelin Dacwadaha lagu so oogay, waxaana lagu amray inay dibedda ka joogto shaqada, iyadoo xor ah.

- Advertisement -

Afhayeenadda Boliska Portland, Jessica Grondin waxay sheegtay inay Sahra Muunye Abu iskiisa iskaga casisahay Waaxda Boliska Portland bishan June 10-da, xilli la doonayey in la soo gebagebeeyo Baaritaanka Arrimaha Gudaha ee Waaxda Boliska ee Portland.

Afhayeenadda waxay intaasi ku dartay inay arrintan tahay Sir Shaqsiyadeed, lana sii dayn Karin faahfaahin dheeraad ah.

Dhinaca kale, Warbixin Maxkamadeed ayaa lagu sheegay inay Sahra Muunye Abu  inay ku xad-gudubtay Haweeney ka tirsan Masraxa iyo inay ku dhex tuuray dad meel ku xoonsanaa, isla markaana ay aflagaadeysay dhowr ka mid ah Macaamiisha Masraxaasi, la dagaashan Arday iyada soo xiri lahaa, waa sida hadalka loo dhigay.

Sahra Muunye Abu oo Waalidkeeda Soomali ah waxay ku dhalatay dalka Kenya, waxaa Maraykanka la keenay iyadoo 2-jir ah.

Si kastaba ha ahaatee, Zahra Muunye Abu waxay 2 snno ka hor qabsatay Warbaahinta iyo Dareenka Bulshadda, kadib, markii ay noqotay xubintii ugu horreysay ee Jaalliyadda Soomaalida deggan Gobalka  Maine ee W/Galbeed ee Maraykanka oo xubin ka noqota Boliska Portland.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories