HomeWararFaah faahin:Kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM oo qarax lala eegtay

Faah faahin:Kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM oo qarax lala eegtay

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe qarax miino lagula eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan  Midowga Afrika ee AMISOM. Qaraxaan miino ayaa waxaa dad ku sugan Balcad ay sheegeen in uu ka dhacay inta u dhaxeysa Wadada xiriirisa Balcad iyo tuulada Qalimoow gaar ahaan meel u […]

- Advertisement -

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe qarax miino lagula eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan  Midowga Afrika ee AMISOM.

Qaraxaan miino ayaa waxaa dad ku sugan Balcad ay sheegeen in uu ka dhacay inta u dhaxeysa Wadada xiriirisa Balcad iyo tuulada Qalimoow gaar ahaan meel u dhow Ceelka-Geelow,isla markaana mid ka mid ah gawaarida AMISOM uu haleeyey.

- Advertisement -

Kolonyadan ka mid ah Ciidamada AMISOM aya ka tegay Magalada Muqdisho,iyaga oo ku sii jeeday Magalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle,basle qarax lala eegtay.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa lagu soo waramayaa in qaraxaasi uu ka dhashay wallow saraakiisha ciidamada dowladda iyo Maamulka degmada Balcad aysan weli ka hadlin.

Al-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen Baraha Internet-ka waxa ay ku sheegeen in qaraxaasi ay ku gubeen mid ka mid ah Gawaarida AMISOM,sidoo kalena ay ku geeriyooden ciidamo ka tirsan kuwa Burundi oo kolonyaa la socday.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories