HomeCaalamkaIn ka badan hal million oo carruur Somali ah oo qarka u...

In ka badan hal million oo carruur Somali ah oo qarka u saaran Nafaqo-darro

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Hay’adda QM ugu qaabilsan Daryeelka Carruurta ee UNICEF ayaa sheegtay in ka badan 1.25 million oo carruur Soomaali ah la rajeynayo inay sannadkan la kulmaan Nafaq-darro ka dhalatay Daadadkii dhawaan waxyeeleeyeen qeybo ka mid ah Somalia. Afhayeenka Guud ee QM, Stephane Dujarric oo Suxufiyiinta kula hadlay magaalladda New York ayaa sheegay inay Hay’adda UNICEF sheegtay […]

- Advertisement -

Hay’adda QM ugu qaabilsan Daryeelka Carruurta ee UNICEF ayaa sheegtay in ka badan 1.25 million oo carruur Soomaali ah la rajeynayo inay sannadkan la kulmaan Nafaq-darro ka dhalatay Daadadkii dhawaan waxyeeleeyeen qeybo ka mid ah Somalia.

Afhayeenka Guud ee QM, Stephane Dujarric oo Suxufiyiinta kula hadlay magaalladda New York ayaa sheegay inay Hay’adda UNICEF sheegtay in kala-bar Carruurta ay da’dooda ka hooseyso 5 sanno  oo u dhiganta in ka badan 1,25 million oo carruur ah khatar ugu jiraan Nafaqo-darro ku habsata sannadkan.

- Advertisement -

Wxaa uu intaasai ku daray inay 232,000 oo ka mid ah Carruurtaasi dhibaato kala kulmi doonaan Nafaqo-xumo aad u daran, isla markaana u baahnaan doonaan Daryeel Naf-badbaadin ah, waa sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka Guud ee QM waxa kale oo uu sheegay in Deegaano badan oo ay Daadadku saameeyeenuu ka dilaacay Cuddurka Jadeecadda, isla markaana la soo sheegay Kiisas la xiriira Cuddurka Shuban-biyoodka.

Dhinaca kale, Afhayeenka Hay’adda UNICEF, Christophe Boulierac oo Suxufiyiinta kula hadlay magaalladad Geneva waxa uu sheegay inay daadadka waxyeelo u geysteen Nidaamkii Biyaha, Adeegyadii Caafimaadka , isla markaana 33 Xarumaha Nafaq-siinta Carruurta oo lagu daaweynayo in ka badan 6,000 oo carruur la il-daran Nafaqo-daran.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories